Xusbi-yadda Mucaaridku Maxay Uga Hadli Waayeen Cabudhinta Xoriyatul Qawlka ( Abdi-Shotaly).
Mucaaridka maxaa qidhim ka siiyey? Xaal-koodu ma doorasho ka hadal uun baa? Waa kuwan oo wax kale kama soo baxaane. Saxaafadu miyaanay ahayn tii ay ku dagaalami lahaayeen? Maxay u difaaci waayeen ee ka hor taagan? Runtii way ka dhabaqsan tahay si ay ka tahay-ba, oo way gabeen halkii looga baahnaa in ay iska taagaan, kamana war hayaan baa la odhan karaa, oo ma dareen-sana in uu xil weyni ka saaran yahay, waajib-na ay ku tahay ilaalinta xoriyatul-qawlka ummadu. Maxaa aamusiiyey ee ay u cambaarayn waayeen war-baahinta al-baabadda la isugu dhuftay, qalab-kooddii laga qaatay, weliba loogu daray in la xidh-xidho, mansuuli-yiintii kala waday hawlaha saxaafadda, haddii ay tahay mareegaha ay ummadu ku muujiyaan aaraah-da dad weynu, kolba halkay marayso iyo waxa socdda, arimaha ay diidan yihiin shicibka Somaliland ama ogol yihiin, sidda war-baahinta Hadhwanaagnews, TV-yadda ay ka mid yihiin Star Tv, Astan Tv oo xabsiga lagu hubsaday maamulihii u fadiyey Hargeydsa, Universal iyo qaar kaloo badan. Mudo badan baa hadaba laga dhur sugaayey in ay ka hadlaan Madaxdda iyo mansuuli-yiinta Ucid iyo Waddani, laakiin waxa nasiib darro ah in aanay ilaa imika so hadal qadin, ee ay ku jaho-wareersan yihiin wax yaabo aan sakaaro ka biirsan, mana hayaan dariiqii lagu yaqaanay Mucaarid, ee waxa ku jira habacsanaan iyo jilieec aanay ka faa'iiday-snayn Khaladaadka ay samaynayaan maamulka ka shimbiro-waaqleeya Gurigga " Xaafad-tooyadda" ee askariga is cajebiyey uu kursiga isugu ruxo tuugta uu ku shaqaysto ee dalka baabi'iyey.
Hadaan dib ugu soo laabto, wakhtiggii uu Xusbiga Qudhmiye mucaaridka ahaa, waad ogtihiin wixii uu samayn jirey, ee uu shaanidda qarxin jirey askariga Guriggii Moorgan ka botoriyaa, sidda aad la socotaan ilaa 10 qof baa ku dhintay tiro kale oo badanina way ku dhaawacantay, mudaaharaa-daddii iyo banaan baxyaddii ay ku kici jireen iyo sidda joog-tadda ah ee ay uga hadli jireen. Waxan dabeed is weydiiyey kuwan mucaraidka ahi ( Waa Ucid iyo Waddaniye), Waxay doona-yaan in ay ka dhaadhi-ciyaan ummadda ama ay ku soo jiitaan waxa ay yihiin? Ma waanay garanayn oo maba dareensana? Mise waxa aanay fahansa-nayn waxa ay tahay shaqadda Xusbi mucaarid? Saw may ahayn in ay talaabo-talaabo u daba galaan wax-yaabha ay ka mid yihiin, " Xoriyatul-qawlka" oo ay ogdaan in shicibka muwaadi-niinta ahi ay xaq u leeyihiin in ay cabiraan fikrada-hoodda, oo ay sheegaan waxa ay tabanayaan. Weli maan arag iyaka oo ka hadlaaya dadka loo xidh-xidhay cuabudhinta saxaafadda, haddii ay yihiin Abwaaniin, fanaaniin,dad caadi ah, weriyayaal iyo mansuuli-yiinta qaybaha kala duwan ee war-bahainta, ee uu ugu dambeeyey Agaasimihii Astan TV, Weriya-yaashii hadhwanaagmedia iyo shicib kaloo aad u fara badan. waxa la yidhi " Biyo galacli ceel maaha" Ee mucaarid-kani wax baa ka si ah, ee waa in ay is muujiyeen ama meesha ay baneen-yaan. sidan ay imika yihiin si maahee.
Weli akhristaw maan arag, imana soo marin noocan ina leh mucaarid baanu nahay, hadana ay si weyn uga khladan tahay waxay ku mucaaird yihiin, lana fahmayn waxay doonayaan iyo waxay diidan yihiin, ilayn waa kuwan ka faa'iidaysan la' waxa ay walaaqa-yaan mamaulka askartu iyo macaan jecesha ku daba faylsani. Waxan ku soo dabray qoraalkan, oo aan kula talin lahaa, sidan kuma aydin tihiin mucaariid, oo waxay ummadu idiin aragtaa qaar gabay xilkii loo egmaday, oo ka lunsan waxa ay ku andacoodaan, iyaka oo dhibaatadda, khaladaaka, tacadi-yadda, xumaanta, boobka dan yarta ee inta baloodha-dooddii debedda looga tuuray, uu askarigu walaalihii siiyey, iyadda oo heshiis hoose lala galay ( waa midnimo'e) Farmaajo, taas oo dalkii dhamaa la siistay dhaqaale uu qoys keliyi iska leeyahay ( waa ka askariga'e), colaadaha faraha ka baxay, misna wax aan jirin iyo been lagu maaweeli-naayo ummadda, cadaalad la'aanta, eexdda, qandaraas-yadda inta gaarka ah la siiyo, kudaafadaha meel laga maro la'la'yahay ee buuxa dariq-yadda, Biyaha oo xaafadaha qaar ay ka haqab la'yihiin, qaarna wax ay ku fool-dhaqdaan waayeen. Iyadda oo aanay sinayn muwaadi-niintu in khaas ah loo sad buriyo, inta kle oo ah 95% lagala dagaalmo dhan ksate oo ay tahay-ba, sidda dhaqaalaha. dadka qaar waxay doonaan in ay ku hadlaan, qaarna la yidhaaho car juuq dhaha. Akhristw lama soo koobi karo wacyiga yaala dalka ee ku habsaday dadkii. Isku soo duub oo kuwan Mucaaridka sheeganayaa uma socdaan siddii lagu arki jirey, umana eka oo malaha sifihii mucaarid lagu ogaa gebi ahaan-ba, ee wakhtiga uun bay iska luminayaan.
* N.B Biyo galacli Ceel Maaha!
Qore:- Abdi-Shotaly.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!