Dhaxal Sugaha Sacuudiga Oo Lagu Eedeeyay Qorshe Kale Oo Khaarajin Ah

0
Friday August 07, 2020 - 09:31:24 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1649
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhaxal Sugaha Sacuudiga Oo Lagu Eedeeyay Qorshe Kale Oo Khaarajin Ah

    "Waxaa dhab ah in ay gacanteenna kusoo gaari doonto".

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxaa dhab ah in ay gacanteenna kusoo gaari doonto".

Dhaxal sugaha Sacuudi Carabiya, Maxamed bin Salmaan, ayaa lagu eedeeyay inuu koox dadka khaarajisa u diray dalka Canada, si ay u soo dilaan sarkaal hore oo ka tirsanaan jiray sirdoonka dalkiisa.



Qorshaha fashilmay ee lagu dili lahaa Sacad al-Jabri ayaa ku soo beegmay waxyar uun kadib dilkii weriye Jamal Khashoggi loogu geystay Turkiga, sida lagu sheegay dukumiinti loo gudbiyay maxkamad ku taal Maraykanka.


Mr Jabri, oo ah rugcadaa u soo shaqeeyay dowladda Sacuudiga ayaa saddex sano ka hor u baxsaday dalka dibeddiisa. Tan iyo waagaana waxaa si khaas ah loogu ilaalinayay magaalada Toronto.


Qorshaha ayaa sida la sheegay fashilmay kadib markii ay ciidanka ilaalada xuduudaha Canada ka shakiyeen kooxda dilka fulin rabtay xilli ay ka soo degi rabeen garoonka caalamiga ah ee Toronto Pearson, sida lagu sheegay dukumiintiga maxkamadda.


Mr Jabri oo 61 jir ah ayaa u dhexeyn jiray sirdoonka reer Galbeedka iyo kan Sacuudiga.


Maxaa lagu sheegay dacwadda?

Dacwadda oo ka kooban 106 bog oo aan la xaqiijin, loona gudbiyay maxkamad ku taal Washington DC, ayaa ku eedeysay dhaxal sugaha isku-dayga dilka Mr Jabri si loo aamusiyo.


Mr Jabri ayaa sheegay in arintaasi ay salka ku hayso "xog xasaasi ah" oo gacanta ugu jirto awgeed. Dukumiintiga maxkamadda loo gudbiyay ayaa lagu sheegay in xogtaasi ay ku jiraan eedeymo musuq-maasuq iyo macluumaadka koox calooshood u shaqeystayaal ah oo si toos ah u hoos yimaada bin Salmaan, laguna magacaabo "kooxda Shabeelka."


Xubno ka tirsan kooxdaasi ayaa ku lug lahaa dilkii weriye Khashoggi oo lagu dhex dilay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istabul sanadkii 2018, sida lagu sheegay warqadaha maxkamadda.


Sacad al-Jabri ayaa sanadkii 2017 ka soo baxsaday Sacuudi Carabiya oo xilligaasi hawlgal ballaaran uu ka waday Maxamed bin Salmaan, waxaana uu gaaray dalka Canada.


Waxa uu sheegay in dhaxal sugaha oo dedaal badan ku bixiyay sidii loogu celin lahaa Sacuudiga, oo xitaa uu u soo diray farriimo khaas ah, ayna kamid tahay mid uu ku leeyahay "Waxaa dhab ah in ay gacanteenna kusoo gaari doonto".


Mr Jabri waxa uu sheegay in wax ka yar laba todobaad kadib dilkii Khashoggi, kooxdaasi "Shabeelka" ay u safreen Canada si ay isaga u soo dilaan.


Warqadaha maxkamadda ayaa lagu sheegay in kooxdaasi ay wateen laba boorso iyo qalabka forensic-ga ee loo adeegsado baarista dembiyada.


Hase yeeshee, ciidanka ilaalada xuduudaha Canada ayaa "durbadiiba ka shakiyay" kooxdaasi, kadibna dib u celiyay markii ay waraysi la yeesheen, sida lagu sheegay dukumiintiga.


Dowladda Sacuudiga ayaan ka jawaabin codsi ah inay wax ka tiraahdo eedeymaha loo jeediyay.


Wasiirka Canada u qaabilsan badqabka bulshada, Bill Blair, ayaa sheegay in aanu ka hadli karin kiis gaar ah, balse ay dowladdiisu "ka warqabto dhacdooyin ay dalal shisheeye isugu dayeen inay dabagal iyo cagajugleyn ku sameeyaan muwaadiniin Canada u dhalatay iyo dad dalkaasi ku nool."


Waxa uu intaa ku daray in laamaha ammaanka ee dalkiisa ay u diyaarsan yihiin difaaca shacabkooda iyo dadka martida u ah.


Bishii May, BBC-da ayaa tebisay in carruurta Mr Jabri ay "la haystayaal yihiin" sida uu sheegay wiilkiisa curadka ah, Khalid.


Waa kuma Sacad al-Jabri?

Muddo sanado ah, waxa uu gacanta midig u ahaa Amiir Maxamed bin Nayef, oo loo tiiriyo jebinta kacdoonkii ay Al-Qaacida ka bilowday Sacuudiga sanadihii 2000. Waxa uu sido kale udub dhexaad u ahaa guud ahaan xiriirka Sacuudiga kala dhexeeya laamaha sirdoonka "Five Eyes" (ee ay leeyihiin dalalka Maraykanka, UK, Canada, Australia, New Zealand).


Ninkan oo ah mid af-gaaban, shahaadada PhD ee culuunta garaadka macmalka ahna ka qaatay jaamacadda Edinburgh, ayaa mar kamid ahaa golaha wasiiradda Sacuudiga, waxaana uu darajada korneylka ka gaaray wasaaradda arimaha gudaha.


Balse sanadkii 2015 ayay wax kasta isbedaleen. Waxaa geeriyooday Boqor Cabdalla, waxaana xukunka la wareegay walaalkii Salmaan, kaasoo wiilkiisa da'da yar ee Maxamed bin Salmaan u magacaabay wasiirka gaashaandhigga.


Sanadkii 2017, Maxamed bin Salmaan ayaa ku guulaystay inuu afgembi aan dhiig ku daadan ku noqdo dhaxal sugaha, arintaasi oo uu aabihii la ogaa. Waxa uu meesha ka saaray Amiir Maxamed bin Nayef oo lahaa dhaxaltooyada.


Amiirkaasi ayaa hadda xiran, hantidiisana lala wareegay, halka dadkii u shaqeyn jiray laga qaaday xilalkii ay hayeen. Mr Jabri ayaa markaa kadib u baxsaday Canada.

 

 

BBC

Loading...
Loading...