Siyaasada Gobolka Geeska Africa , Somalia Doorasho Qof Iyo Cod Ahi Ma Ka Dhici Kartaa ?
W/Q: Muxamed Dhimbiil
Waa su'aal aad la isku weydiinayo suurtagalnimada iyo sida loo
hirgalin karo ha yeeshee bal waxa aynu ku horeyn doonaa in aynu ogaano
doorashada qofka iyo codka ah ta looga jeedaa xiligan nooca ay tahay.
Waxa jirta doorasho muuqaal doorasho leh oo had iyo goor laga qabto
wadamada nidaamyada kalitaliska ahi ka taliyaan oo ah metelaad
doorasho, waxaana ay sameeyaan in magaalooyinka meelaha xarumaha
dawladaha hoose ama xarumaha dadku wada leeyihiin inta la dhigo
sanaaduuq cod bixin lagu sheego in ay doorasho dhacday oo dadku
codeeyeen.
Waxa aan is leeyahay Somalia hadii loo jeedo doorasho qof iyo cod ahi
hadii taa looga jeedo waa la sameyn karaa waanay ka dhici kartaa in loo
eekaysiiyo doorasho amaba aan odhan karno doorasho ka duwan tii hore
loo qaban jiray ayaa la qabtay.
DOORASHO QOF IYO COD AHI WAA NOOCEE MAXAYSE U BAAHAN TAHAY ?
Doorasho hal qof iyo hal cod ahi waa doorasho ka dhici karta dal
dimuqaradi ah oo leh nidaamka ururada iyo axsaabta badan, isla markaana
ah dal degen siyaasad ahaan iyo nabadgalyo ahaanba.
Waa doorasho ka dhici karta dal dadkiisu fahamsan yihiin
doorashooyinka iyo dimuqaradiyada isla markaana ay yihiin dad bisil oo
ka soo gudbay marxalado badan oo ka horeeya doorashada qofka iyo codka
ah ee la rabo in la hirgaliyo.
Waa doorasho ka dhici karta dal ay nabadgalyadiisu sugan tahay oo aan
kala xidh-xidhnayn cabsiyi aanay jirin oo dadka axsaabta ah ,
murashaxiinta ololaha ku jirta iyo cod bixiyayaashuba ay tagi karaan
meelkasta oo dalka ka mid ah.
Waa doorasho u baahan dhaqaale badan iyo wakhti ku filan oo lagu
hirgaliyo nidaamkaasi maadaama oo uu yahay wax cusub oo aan hore u dhici
jirin oo u baahan aqoonteeda iyo waayo aragnimada hawlahaa adag loogu
badheedhayo.
Waa doorasho u baahan xeeearkii doorashada ee lagu dhaqayey min
goobta cod bixinta ilaa xarunta gudiga doorashada heer qaran hawlaha ka
socda , doorasho lama qaban karo ilaa shuruucdeedii iyo xeerarkeegii
lawada diyaariyo isla markaana xeerarkii anshaxa laga saxeexo axsaabta
tartamaysa.
Waa doorasho u baahan ciidamo dhisan oo hanan kara waajibaadka qaran
ee ka saaran hirgalinteeda iyaga oo ku shaqeynaya xeerarka iyo shuruucda
loo dejiyey doorashooyinka, inta ay doorashadu socotana la rabo in ay
ka amar qaataan komishanka doorashada min goobta cod bixinta ilaa heer
qaran.
Waa doorasho u baahan in ay goob joog ka ahaadaan beesha caalamka ,
ururada bulshasa iyo dadka ka yimaada dunida dimuqaradiga ah isla
markaana ay tagi karaan xarun kasta iyo goob kasta oo cod bixinta
doorashadu ka dhacayso.
Haddaba marka la eego xaqiiqada maanta Somalia ka jirta iyo nooca
doorashada ee lagu hadaaqayo hadii looga jeedo doorashada dambe ee aan
sharaxay kama hirgali karto Somalia sanado badan oo soo socda xataa
marka lagu daro.
Muxamed Dhimbiil
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...