Xil Ku-Muxaafid. W/Q: Cali Cabdi Coomay
Xigmad
ayaa tidhaa " Ruuxa Caaqilka ah Carrabkiisa ayaa ka Dambeeya
Qalbigiisa, Ruuxa Axmaqa ahna Qalbigiisa ayaa ka Dambeeya Carrabkiisa”. Maskaxda ayaa masaxan, wuxuu shalay sheegay ayuu
maanta beeninayaa. Wuu da’yar yahay, wuu se la dhaqan yahay kuwii waaweynaa ee
isaga ka horreeyey dhaqankoodii. Markii uu xilka hayey doodda reerkiisu qabo
kamuu hadli jirin, wuxuu aamisanaa in dawladda loo daba-fadhiisto wixii
shicibka u dan oo reerkiisu ku jiro. Maanta se meel kasta hadal ayuu la taagan
yahay oo labada qowlal ayuu ka xumaynayaa sidii awr qooqan. Xilkuu hayey wuxuu
ka aaminsanaa inuu ku helay saami-qaybsi ay beeshiisu xaq u lahayd, hasayeeshee
reerkoodu aanu ku jirin beelaha laga ciseeyo xarunta madaxtooyada.
Sheekada faqa ah markaad la yeelato wuxuu si cad kuugu sheegayaa in madaxtooyadii ay noqotay mafrish reer leeyahay, oo xittaa ay carruurtii jilibka reer hebel ay kubadda ku ciyaaraan gelinka dambe iyo habeenkii. Waxa aynu u dhawdahay inay ku burburto gacanta ciyaal xaafadka meesha isku kooxaystay. Markaad u kuurgasho wuxuu waayey xaaraantii uu aabihii hore ugu soo koriyey ee biyo dhaceedu ahaa’ reerkayga ayaa markan xaq u leh inay xoolaha ummadda jeebka ku shubtaan markooda’. Wuxuu si hoose iyo sarraba u sheegaa inuu reerkoodu u soo halgamay saarista kursiga madaxweynaha, hasayeeshee aan mudnaantii ay lahaayeen aan la siinin. Laakiin booskii uu ku fadhiyey aanu u qalmi balse uu carruurta biilka uun uga soo saarayey.
Haddii
la dhaliilo beelihii cododka ugu badan siiyey madaxweynaha, cirka ayuu u boodayaa
oo wuu difaacayaa, ileyn beeshiisii ayaa ku jirtee. Aabihii wuxuu ahaa
guulwadde weyn oo lagu yaqaanay hor-boodka hadba madaxda xilka haysa, isaguna
kamuu baydhin oo meel badan way isugu imanayaan. Dadku waa laba nooc ‘Nin
dagaal iyo nin dublamaasiyadeed’, isagu midna maaha waa se kolba meesha ay
maslaxadiisu ku jirto. Kibirka iyo af-taaga waxaad moodaa inuu cirka ka soo
dhacay oo uu dadka ka sarreeyo. Waxa aan xusuustaa sheekadii shimbirta
Daa’uuska ee ahayd” Shimbirta daa’uusku aad bay u qurux badan
tahay, quruxdaasi eebe ku manaystay darteed aad buu isu cajab-geliyey oo isul
weynaaday, ka dibna waxa lagu salliday nabar aad u qadhmuun oo aanu weligii
bogsan, mar kasta oo uu damaco inuu hawad u duulo ayey boogtu damqataa,
markaasuu ku dhacaa niyad-jacab, naxdin iyo liidnimo”
Weligii hadal run ah kuu sheegi mayo, markaad tidhaa maxaad
balantii aynu lahayn u jartay wuxuu sheegayaa marmarsiyo amma hawl la soo
daristay, laakiin been ah. Luuqada iyo erayada uu ku hadlayaa way wanaagsan
yihiin, sida walaal, walaalo, fiican, maansha allah, ilaahay mahadi, al-xamdu
li laah, bash bash iyo barwaaqo. Laakiin dhammaan kalmadani hoos uma
dhaadhacsana, waa afka barkiisa oo cunaha kama daadagaan. Waayo salad, soon,
sako iyo samofal toona midna shuqul kum laha.
Cali Cabdi Coomay
Suxufi, qoraa ah.
Hargaysa, Soomaalilaan
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!