WADDANI Oo Ka Hadlay Dhibaatooyinka Shirkadaha Korontaddu Ku Hayaan Bulshadda

0
Thursday August 06, 2020 - 15:56:04 in News by A. Asbaro
  • Visits: 839
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WADDANI Oo Ka Hadlay Dhibaatooyinka Shirkadaha Korontaddu Ku Hayaan Bulshadda

    WADDANI Oo Ka Hadlay Dhibaatooyinka Shirkadaha Korontaddu Ku Hayaan Bulshadda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

WADDANI Oo Ka Hadlay Dhibaatooyinka Shirkadaha Korontaddu Ku Hayaan Bulshadda

Hargeisa(HWN):-"Somaliland waxay ku jirtaa dalalka ugu Korontadda qaaalisan Dunida, ee aannay korontaddeeda iska bixin karin Shacabkeeddu. Dalkan Somaliland waxa Korontaddeeda gacanta ku haya Shirkaddo gaar loo leeyahay, Laydhkii ay dawladdu gacanta ku haysanna ma jiro oo Shirkaddo gaar loo leeyahay baa la wareegay. Dawladnimadda macnaheedduna waa in shacabka Cashuurta bixiyaa ay hellaan adeegyadda Caafimaadka, Waxbarashadda, Korontadda, Jidadka, Waddooyinka iyo dhammaanba baahiyaha aasaasiga ah, haddaanay dawladnimaddu intaas bixin karin macnaheeddu dhadhan ma samaynaayo, waxaanna Xil wayn oo Masuuliyaddeed ka saarran yahay in dawladdu ay bixiso adeeg Koronto oo jabban oo shacabku bixin karraan ama in ganacsatadda Laydhka shidda lala Xisaabtamo oo lagu kor joogteeyo qiimaha Korontadda." Ayuu yidhi Maxamed Sadiiq Dhamme
Maxamed Sadiiq Dhamme oo Maxkamada Gobolka M/jeex Ku Xukuntey Lix ...


Isagoo hadalkiisa sii watanna waxa uu yidhi "Waxaynu ognahay in Shidaalkii jabay, haddana qiimihii Korontaddu halkiisii ayuu taagan yahay, waxa soo noqnoqonaysa Cabashadda dadka reer Somaliland oo cabannaaya korontadda qaaliga ah, nolosha bini'aadamku sinnaba uguma maaranto Korontadda waxa ku xidhan Waxbarashaddii, Ganacsigii, Caafimaadkii iyo dhammaan baahiyihii aasaasiga ahaa, dadkunna inay wada hellaan Koronto jaban Xil-baa ka saarran Xukuumadda. Nololi suuro-geli mayso haddaan la hellin Laydh jaban oo aan ahayn kan maanta ee dhiig-miiratadda ah ee ay qaaddi kari la'a yihhiin ummaddii reer Somaliland ee guri kasta qayladda iyo cabashaddu ka taagan tahay ee marraaya qiimaha aadka u sarreeya.

Korontaddii dawladdu ganacsato ayuu gacanta ugu jiraa, dhammaan Hay'addaha dawladdana waxa u baxa korontadda gaarka loo leeyahay oo waxa laga qaaddaa lacag, markaa Xukuumadda waxaan u soo jeeddinaynaa in ummadda loo naxariisto, ganacsatadda waxaannu u soo jeeddinaynaa inay qiimaha korontadda hoos u dhigaan, waayo shacabkeennu ma qaaddi karraan qiimaha uu maanta taaggan yahay."

Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland

Loading...
Loading...