Dhakhtarad Caan Ka Ahayd Soomaaliya Oo Saaka Ku Geeriyootay Muqdisho

0
Wednesday August 05, 2020 - 15:46:02 in News by
  • Visits: 1762
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhakhtarad Caan Ka Ahayd Soomaaliya Oo Saaka Ku Geeriyootay Muqdisho

    Dhakhtarad Caan Ka Ahayd Soomaaliya Oo Saaka Ku Geeriyootay Muqdisho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhakhtarad Caan Ka Ahayd Soomaaliya Oo Saaka Ku Geeriyootay Muqdisho


Hargeysa(HWN):-Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya waxaa waaberigii hore ee saaka ku geeriyootay Drs. Xaawa Cabdi oo kamid aheyd dhaqaatiirta waaweyn ee Dalka Soomaaliya.

Dr. Hawa Abdi - 2007 HOL Person of the Year


Haweenaydan oo in ka badan 50 sano ku soo dhex irtay mihnadda Caafimaadka kana mid ahayd bahda caafimaadka ee caanka ka ah dalka Soomaaliya Ilaahay ha u naxariistee waxa ay saaka ku geeriyootay Muqdisho.


Wararka laga helayo geerida Drs. Xaawa Cabdi ayaa sheegaya inuu xanuun Deg deg ahi kusoo booday, isla markaana loola cararay Xarun Caafimaad, hayeeshee xanuunkii qabtay ay ugu dambeyn u geeriyootay.


Geerida Marxuumad Drs. Xaawa ayaa waxaa xaqiijiyay qaar kamid ah Caruurtii ay dhashay iyo Eheladeeda, waxaana geeridaas ka tacsiyeeyay dhakhaatiirka Soomaaliyeed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.


Drs. Xaawa Cabdi ayaa muddo ka badan nus qarni ka soo shaqeynaysay Arrimaha Caafimaadka Soomaaliya, iyadoona lagu xasuustay Halgankii ay u soo gashay Bulshada Soomaaliyeed mudadii Dalku uu ku jiray Burburka.


waxa ay Cisbigtaal weyn ka hir gelisay duleedka Magaalada Muqdisho oo ay sidoo kale dakhaatiir caafimaad ka yihiin hablo ay dhashay.

Loading...
Loading...