C/Raxmaan C/Shakuur Oo Kulan La Qaatay Madaxweyne Axmed Kaahiye Qoor Qoor
Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ahna hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa xalay Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor.
C/raxmaan C/Shakuur iyo Madaxweyne Qoorqoor ayaa ka wada hadlay Arrimo kala duwan oo ku aadan xaaladda siyaasadeed ee dalka gaar ahaan Maamulka Galmudug iyo Arrimo kale.
Qoraal uu soo saaray C/raxmaan C/Shakuur ayaa waxaa uu ku sheegay in kulanka uu la qaatay Madaxweynaha Galmudug uu ahaa mid talo wanaagsan, isla markaana diirada lagu saaray xaaladda dalka iyo sida ugu habboon ee uu ku guulaysan karo shirka wejiga saddexaad Magaalada Dhuusamareeb.
"Waxaan kulan talo wadaag ah yeelanay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmad Cabdi Kaariye (QoorQoor). Waxaan ka wada hadalnay guud ahaan xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan Galmudug iyo sida ugu habboon ee uu ku guulaysan karo shirka Dhuusmarreeb 3” ayuu yiri CC Shakuur.
Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa ku sugan Magaalada Muqdisho, isagoo kulamo kala duwan la qaatay Safiirka Qatar ee Soomaaliya, Madaxweyne Farmaajo, Wasiiro, Xildhibaano iyo siyaasiyiin kale.