Madaxweyne Waare oo Muqdisho kula kulmay qaar kamid ah Golaha Wasiirada Soomaaliya

0
Wednesday August 05, 2020 - 08:49:07 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 819
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Waare oo Muqdisho kula kulmay qaar kamid ah Golaha Wasiirada Soomaaliya

    Madaxweynaha Wasiirada uu la kulmay ayaa kala Ah Wasiirka Arrimaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Wasiirada uu la kulmay ayaa kala Ah Wasiirka Arrimaha




Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa magaalada muqdisho kula Kumay qaar ka mid ah Wasiirada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ka soo jeeda Hir-Shabeelle,iyaga oo ka wada hadlay arrimo kale duwan oo la xiriira Xaaladda Hir-Shabeelle.

 

Madaxweynaha Wasiirada uu la kulmay ayaa kala Ah Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dib u heshiisiinta Cabdi Maxamed Sabriye, Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Isloow Ducaale, Wasiirka Boostada iyo Isgaareiinta Axmed Cabdi Canshuur, Wasiir ku Xigeenka Gaadiida Badda Cismaan Cabdi Daalo, waxaana ay iska xog wareysteen Madaxweynaha Iyo Wasiiradaas Xaaladda Siyaasadeed, Midda amni, iyo Tan Bulsho ee Hirshabelle, iyo Horumarinta Guud ahaan Deegaannada Maamulkaas.

 

Sidoo kale Kulanka Waxaa Madaxweyne Waare Ku Wehlinayay Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Hir-Shabeelle Cabdi Xuseen Geedi, iyo Wasiirada Madaxtooyada, Amniga, iyo Dib u Heshiisiinta Hirshabelle.

 


Loading...
Loading...