Xildhibaan Nacnac Oo Shirkadda TELESOM Ku Boggaadiyay Laba Adeeg Iyo Farriinta Dhalinyaradda

0
Wednesday July 29, 2020 - 17:54:21 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1442
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Nacnac Oo Shirkadda TELESOM Ku Boggaadiyay Laba Adeeg Iyo Farriinta Dhalinyaradda

    Xildhibaan Nacnac Oo Shirkadda TELESOM Ku Boggaadiyay Laba Adeeg Iyo Farriinta Dhalinyaradda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Nacnac Oo Shirkadda TELESOM Ku Boggaadiyay Laba Adeeg Iyo Farriinta Dhalinyaradda

Hargeisa(HWN):-Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) ayaa shirkadda isgaadhsiinta ee Telesom ku amaanay soo bandhigista ay soo bandhigtay Abaal-marintii ugu balaadhneyd ee lagu abaal-marinayo dhalinyarada guur doonka ah.



Abaalmarintan oo loogu magac-daray AROOS WACAN, ayaa qayb libaax leh ka qaadan doonta dhismaha guryaha kheyrka leh.

Xidlhibaan Nacnac waxaa uu dhalinyarada ugu baaqay in fursadaasi ay u hibeysay shirkadda Telesom ay ka faa’ideystaan.

"Waxaan halkan kaga hadlayaa Shirkadda TELESOM oo laba adeeg bulshadda ku soo kordhisay oo kala ah Adeegga Kaafi oo toddoba doollar ku shubanayso, dabaddeedna aad bisha oo dhan ku hadlaysid iyo adeegga Aroos wacan oo ay dhalinyaradda ku dhiirigelinayso guurka si kheyrku u bato, markaa dhalinyaradda waxaan leeyahay ka faa'iidaysta fursaddaas." Ayuu yidhi Xildhibaan Nacnac

"Adeegga aad soo kordhiseen waad ku mahadsan tihiin, laakiin haddaanu Odayaasha nahay annaga laftayaddu waxaannu u baahannahay Minyarrooyine naga war haya annagana" Ayuu yidhi Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac).

Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland

Loading...
Loading...