Cali Baqdaadi Oo Wiil Uu Dhalay Ka Hawl Galiyey Baanka Dhexe Iyo Musuq Maasuqiisii Oo Sii Socda.

0
Tuesday July 28, 2020 - 18:07:27 in News by
  • Visits: 1933
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cali Baqdaadi Oo Wiil Uu Dhalay Ka Hawl Galiyey Baanka Dhexe Iyo Musuq Maasuqiisii Oo Sii Socda.

    Cali Baqdaadi Oo Wiil Uu Ka Dhalay Ka Hawl Galiyey Baanka Dhexe Iyo Musuq Maasuqiisii Oo Sii Socda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cali Baqdaadi Oo Wiil Uu Ka Dhalay Ka Hawl Galiyey Baanka Dhexe Iyo Musuq Maasuqiisii Oo Sii Socda.

 


Hargeysa(HWN):-Gudoomiyaha baanka dhexe ee somaliland Cali Ibraahin Baqdaadi ayaa awooda dawladnimo uga faa,iidaysanaya inuu ku gaadho danihiisa gaarka ah.




Gudoomiye Baqdaadi oo xilka uu hayo u adeegsanaya inuu ku fushado danihiisa isl amarkaana ku dulmiyo shacabka somaliland.


Mudadii uu xilka hayey xilka baanka ayuu uga faa,iidaystay inuu ka hawl galiyo shaqaale badan oo aan nidaamka sharciga ah soo marin kuwaas oo uu ku fushanayo dano gaar ah oo uu leeyahay oo ay ka mid tahay amaantiisa iyo difaaciisa oo ay kaga jiraan baraha bulshada.


Gudoomiye Cali Baqdaadi ayaa laba wiil oo uu dhalay waxa uu ka soo wareejiyey wadamada dibada oo ay ku nooleeyaan kaas oo midkii weynaa ka hawl galiyey xarunta dhexe ee baanka oo uu ilaa hada ka shaqaysto.


"Waxaan halkan ku cadaynayaa in laba inan oo uu dhalay Cali Baqdaadi ay ka yimaadeen Toronto kuwaas oo uu keenay Hargeysa, kii weynaana uu ka hawl galiyey baanka dhexe, mushahar ayaanu ka qaataa baanka balse inta badan waxa uu ku soo noqdaa oo uu joogaa Toronto.”ayuu yidhi qoraa Cabdi Shootali oo Hadhwanaagnews soo gaadhsiiyey qoraal.

Talaabada sharciga baalmarsan ee uu Cali Baqdaadi wiilkiisa kaga hawl galiyey baanka dhexe ayaa ka mid noqonaysa falalka musuq maasuq ee uu ka gaysanayo baanka isla markaana uu sifaha qaldan ugu isticmaalayo awooda dawladnimo.

Loading...
Loading...