Madaxweyne Deni oo kulan Amniga looga hadlayay la yeeshay Waxgaradka Mudug

0
Tuesday July 28, 2020 - 08:18:16 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 871
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Deni oo kulan Amniga looga hadlayay la yeeshay Waxgaradka Mudug

    Madaxweyne Saciid Deni ayaa sidoo kale inta uu ku sugan yahay Magaalada Gaalkacyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Saciid Deni ayaa sidoo kale inta uu ku sugan yahay Magaalada Gaalkacyo




Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay kulan la qaatay waxgaradka iyo odeyaasha mid ka mid ah beelaha degan Gobolka Mudug ee dhinaca Puntland.

 

Waxgaradka iyo Odeyaasha ayaa Madaxweynaha warbixin ka siiyey, xaaladda guud ee Gobolka, Shirkii nabadeynta ee kusoo dhammaaday Galdogob oo ay qeyb ka ahaayeen Odeyaashu iyo guud ahaan amniga iyo horumarka Gobolka .

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa la wadaagay Odeyaasha iyo Waxgaradkan Qorshaha Dowladda ee Gobolka, sida dhinacyada Amniga, nabadeynta iyo horumarka. Wuxuuna kula dardaarmay in ay doorkooda qaataan oo ka shaqeeyaan nabadgelyada iyo horumarka Gobolka.

 

Madaxweyne Saciid Deni ayaa sidoo kale inta uu ku sugan yahay Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa uu kalamo kale uu la qaadan doonaa Mas’uuliyiin ka tirsan Gobolka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.


Loading...
Loading...