Taliska Booliska Soomaaliya oo sheegay inay qabteen rag dhac geystay

0
Sunday July 26, 2020 - 09:29:57 in News by
  • Visits: 1181
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliska Booliska Soomaaliya oo sheegay inay qabteen rag dhac geystay

    War kasoo baxay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu sheegay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War kasoo baxay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu sheegay



Ciidamada Booliska ayaa la sheegay in howlgal ay sameeyeen ay kusoo qabteen xalay Koox Burcad ah oo Muwaadin Soomaaliyeed oo ku Shaqeysanayay Mooto Bajaaj kaga dhacay xaafad ka tirsan degmada Dharkenley.

 

War kasoo baxay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu sheegay in muwaadin Soomalaiyeed uu xiriir la soo sameeyay Taliska Ciidamada,isla markaana sidaasi ay ku suurto gashay in ragga Burcadda ah gacanta kusoo dhigaan.

"Mooto nooceedu yahay bajaaj gaduud ah oo lahayo numberkeeda iyo taarikadeeda ayaa Muwaadin Soomaaliyeed looga dhacay Degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir.”Muwaadinka dhibanaha ahaa ayaa ashtako u gudbistay Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Ciidanka ayaana gacanta ku dhigay mootadii iyo burcadii dhacday.”

 

Horay ayaa dhwor jeer oo hore waxaa Rag Burcad ah ay Magaalada Muqdisho ugu geysteen Mooto Bajaaj oo dad Shacab ah ay ku Shaqeysanayeen, kuwaas oo qaarkood gacanta lagu dhigay qaarna ay baxsadeen.


Loading...
Loading...