Maxay Tahay Sababta Dhabta Ah Ee Uu Xilkiisa Ku Waayay Xasan Cali Khayre?
Ra'iisul
Wasaare Xasan Cali Khayre waxaa xilka loo magacbay 23 February, 2017-kii,
waxayna Baarlamaanka ansixiyeen 1 March ee isla sannadkaas.
Madaxweyne Farmaajo ayaa dhowr goor
sheegay in dowladdiisa ay uga duwan tahay kuwii hore oo isaga iyo Ra'iisul
Wasaarihiisa in aysan is khilafin ayna isla dhameysan doonaan muddo xileedka.
Balse saaka, codeyn khilaaf uu ka taagan yahay ayey baarlmaanka sheegeen in kalsoonida ay kagala noqdeen xukuumadda uu hoggaaminayay Khayre. Saacado yar ka dibna, Madaxweyne Farmaajo wuxuu sheegay inuu aqbalay arrintaas, wuxuuna magacaabay ra'iisul wasaare ku meel gaar ah.
Maxaa sababay in "xilka laga qaado"?
Ajendaha baarlamaanka kumaba jirin saaka xil ka qaadista Xasan Cali Khayre, taa badalkeeda xubaha waxaa loo sheegay inay ka doodi doonaan arrimo la xiriira doorashada.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in baarlamaanka uu maanta kalsoonidii kala noqday xukumaadda ra'uusul wasaare Xasan Cali Kheyre.
Gudoomiyaha oo kullanka baarlamaanka ka dib la hadlay saxaafadda wuxuu sheegay "in cod la qaaday ka dibna 170 xildhibaan ay kalsoonadii kala laabteen xukuumadda Xasan cali Kheyre halka 8 xildhibaan ay mooshinkaas diideen."
"Waxaad moodaa in ay ahayd arrin la sugayay", ayuu yiri Dr Ibraahim Faarax Bursaliid oo ka faallooda arrimaha siyaasadda Soomaaliya.
Wuxuu intaa ku daray: "Wuxuu ahaa khilaf in muddo ahba lagu guuldareystay in si hoose loo xalliyo."
Balse guddoomiye Mursal ayaa sheegay in
qodobbo sharci ah oo la xiriira waxqabadka Xukuumadda ay sabab u ahayd
"xil ka qaadista iyo kalsooni kala noqoshada" uu manta u codeeyay
Golaha Shacabka.
"Golaha markuu arkay barnaamijka
xukuumadda ee in dalka ay gaarsiindoonto doorasho qof iyo cod ah, sannadka 2020-ka
oo ku saleysan dimuquraadiyad iyo rabitaanka shacabka. Wuxuu (golaha) arkay in
xukuumadda ay ku fashilantay ballanqaadkii ahaa diyaarinta hannaan iyo qorshe
cad oo lagu gaarayo doorasho qof iyo cod ah", ayuu yiri guddoomiyaha
Baarlamaanka.
Abukaate Cali Maxamed Ciid oo arrimaha
sharciga ku xeeldheer ayaa BBC Somali u sheegay in wixii maanta Baarlamaanka ka
dhacay "in aan loo marin sharciga golaha".
"Looma marin sharciga. Ma ahayn mooshin ay xukuumaddu ogayd; mid dadweynuhu ogaa iyo caalamku qof ka mid ah uu ogaa. Marka dowlad la joogo ma jiraan wax la kala qarsanayo".
Doodda la xiriirta arrimaha
doorashada ayaa in muddo ah soo jirtay, waxayna baarlamaanka meelmariyeen
shuruuc la xiriirta qaabka doorashada dalka ay u dheceyso.
Si kastaba, wakhtiga doorashada
baarlamaanka waxaa ka dhiman muddo seddax bilood ah, halka midda madaxweynahana
ay dheceyso bisha February ee sannadka soo socda.
Guddoonka Baarlamaanka
Soomaaliya ayaa waxay isla xilligaa sheegeen in ay diidan yihiin shirkaas,
shuruucda doorashadana uu diyaar yahay, midkaasna lagu dhaqmo.
Gudoomiyaha Golaha Shacabka,
Maxamed Mursal, wuxuu sheegay in xukuumadda ay sidoo kale ku fashilantay arrimo
ay ka mid yihiin "go'aan ka qaadashada maqaamka Muqdisho, afti u qaadidda
dastuurka dalka, iyo diyaarinta ciidamo suga amniga dalka oo dhan".
Dr. Bursaliid wuxuu qabaa in wixii manta baarlamaanka ka dhacay aysan ahayn sharci, balse marka la eego siyaasadda Soomaaliya ee 30-kii sano ee la soo dhaafay ee "xeer la'aanta ahayd", in arrintan ay ahayd mid iska caadi ah.
Abukaate Cali Maxamed Ciid oo ah
sharci-yaqaan ku sugan Muqdisho wuxuu qabaa in ay ahayd in xukuumadda fursad
loo siiyo in ay ka jawaabto iskana difaacdo wixii lagu eedeeyay.
Wuxuu sheegay: "Haddii mooshin
laga keeno oo tirada xildhibaannada loo baahan yahay ay keenaan, waxaa fursad
loo siinayaa in ay xukuumadda is difaacdo, waa sida maxkamad oo kale, cod baa
loo qaadayaa".
Abukaataha wuxuu sheegayaa in ay ahayd
in arrintaas ay noqoto "madal ay shacabku marqaati ka yihiin. Laakiin
marna ma noqon karto wax qof jeebka uu kala soo baxay".
Maxaa kulmiyay xil ka qaadista iyo heshiiskii dhuusamareeb?
Madaxda Maamul Goboleedyada iyo madaxda
Dowladda Dhexe oo ku kulmay magaalada Dhuusamareeb, isbuucii la soo dhaafay,
waxay sheegeen in ay ku heshiiyeen in la qabto "doorasho xilligeeda ku
dhacda oo heshiis lagu yahay".
"Taas way muuqataa. Madaxweynaha
markii uu shirkii Dhuusamareeb ka hadlay wuxuu sheegay in wixii meesha uu ka
soo qaaday uu kula noqonayo Baarlamaanka", ayuu yiri Mursal Saney oo
arrimaha siyaasadda Soomaaliya wax ka qora.
Madaxdii ku kulantay magaalada
Dhuusamareeb waxay sheegeen in ay heshiis wada saxiixdeen, mana aysan muujinin
in khilaaf uu jiro, in kastoo markale ay ballameen, guddina ay u saarayaan
farsamada xaaladda doorashada.
Sida uu Saney aaminsan yahay
waxay xil ka qaaditsa daba socon kartaa arrimaha la xiriira doorashada
waqtigeeda lagu aado iyo sida la isugu fahmi waayay in waqtiga la kororsado.
"Mudane Maxamed
Cabdullaahi Farmaajo isagaa magacaabay Ra'iisul Wasaare Khayre, isagaana marar
badan sheegay in uu keensaday ra'iisul wasaare isaga ka fiican. Marka isagaan
ka sugeynaa in ra'iisul wasaarihii isaga ka fiicnaa uu meesha ka baxo uuna
keeno qof loo qaateen ah", ayuu yiri Saney.
Madaxweyne Farmaajo ayaa horey u sheegay in ra'iisul wasaarihiisa ay isla dhameysan doonaan ayna ka fogaanayaan khilaafka. Khayre ayaana noqday ra'iisul ugu waqtiga dheeraa Soomaaliya labaatankii sano ee la soo dhaafay.
Muddo kordhin sabab ma u noqon kartaa?
Hadal haynta ah in dowladda ay
"dooneyso muddo kordhin" waxay soo taagnayd muddo, waxaana aad u
qeylinayay siyaasiyiinta mucaaradka.
Balse, Ra'iisul Wasaaraha
"xilka laga qaaday", Xasan Cali Khayre, ayaa horraantii bishan
sheegay in doorashada lagu qaban doono wakhtigeeda, aysanna jiri doonin muddo
kordhin.
Wuxuu yiri: "Doorashadu
waa inay ku dhacdo jawi midnimo iyo mid wadatashi ah, si aan u xaqiijino
rabitaanka shacabka Soomaaliyeed, meel waliba oo ay joogaan".
"Wa in doorashada ay ku
dhacdo waqtigii loogu talagalay, lagana fogaadaa in lagu shaqeyo fikir ku
saleysan muddo kordhin sababtoo ah mudda kordhintu waxay horseedi kartaa
qalalaase siyaasadeed, mid amni iyo mid dastuur", ayuu hadalka ku sii
daray.
Balse Dr. Ibrahim Faarax
Bursaliid wuxuu sheegay: "Waxay u muuqataa in Xasan Cali Khayre uu aad u
fahmay danta iyo maslaxadda xukuumaddiisa, balse wuxuu fahmi waayay danta
xukuumadda laftigeeda laga leeyahay".
"Waxaa meesha yaalay oo
miiska saarna, oo shacabka Soomaalida ay wada dhowrayeen, doorashadii dhici
lahayd sannadkan dhammaadkiisa iyo bilowga sannadka soo socda. Marka waxan is
leeyahay wuxuu eersaday ra'iisul wasaaraha, doorashadii oo ay isla fahmi
waayeen isaga iyo masuuliyiinta kale ee dalka", ayuu yiri Mursal Saney.
Wuxuu hadalka ku sii daray,
"In lagu kala aragti duwanaa (doorashada) oo ra'iisul wasaaraha uu ku
celcelinayay in doorashada ay waqtigeeda ku dhacdo oo aan xilli lagu darsan;
arrintaas waa loo fasiran karaa (in Khayre uu xilka ku waayay)".
Gudoomiyaha guddiga Doorashada
Soomaaliya, Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) oo dhowaan baarlamaanka
u sharaxday qaababka doorashada, waxay soo jeedisay laba muddo kordhin oo midna
ay tahay March, 2021 ama August, 2021, in doorasho qof iyo cod ah la qaban
karo.
Qaar ka mid ah Madaxda maamul
Goboleedyada iyo hoggaamiyeyaasha axsaabta mucaaradka waxay soo jeedinayaan in
waqtiga aan la kordhin, doorashadana ay noqoto mid "dadban" oo loo
qabto qaabkii hore ee codeynta odeyaasha.
"Sida muuqata, meesha hadda loo
socdo waa in waqti lagu darsado. Baarlamaankana isaga waqtiga kuma darsan karo,
madaxweyne Farmajana uguma dari karaan. Marka waxaa imaan doonto 'mustaqbalka
maxaa laga yeelaa?'," ayuu yiri Saney.
Wuxuuna aaminsan yahay in waqtiga loo
kordhiyo ay uga xiran tahay sida ay u aqbalaan madaxda maamul goboleedyada iyo
siyaasiyiinta kale ee saameynta leh ee ku sugan dalka.
Heshiiskii Dhuusamareeb ma burburay?
Heshiiskii lagu gaaray shirkii
Dhuusamareeb waxaa wada saxiixay Madaxweyne Maxamed cabdullaahi Farmaajo, Xasan
Cali Khayre, iyo shanta madaxweyne ee maamul goboleedyada. Taas waxay Ra'iisul
Wasaare Khayre ka dhigeysaa mid ka mid ah saxiixayaasha toddobada ah ee is
fahamkaa wada gaaray.
War murtiyeedkii ka soo baxay shirka ayaa lagu sheegay in madaxda ay isla meel dhigeen in dalka ay ka dhacdo doorasho ku qabsoonta wakhtigeeda oo lagu wada qanacsan yahay iyo in la sameeyo guddi farsamo oo ka kala socda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah.
"Guddigaas wuxuu ka soo baaraandagi doona talooyin la xariira hannaanka iyo habsami u socodka doorashooyinka dalka," ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka ay soo saareen madaxda.
Sida uu qabo Mursal Saney,
Khayre wuxuu laba xubnood ku lahaan lahaa guddigaas, balse hadda „taasi ma
dhici karto".
Cilmi-Baaraha ka tirsan
machadka Herritage, Mursal Saney wuxuu yiri: "Wixii maanta ka dhacay
Baarlamaanka waxayba ka soo horjeedaan wixii ka dhacay Dhuusamareeb oo lagu soo
heshiiyay".
Wuxuu sheegay in arrintaas ay sababtay in meesha ay ka soo baxdo "howl culus" oo hortaalla Soomaaliya.
Madaxda ayaa la filayaa in muddo laba isbuuc ah gudahood ay dib ugu noqdaan magaalada Dhuusamareeb, si halkaas looga sii amba qaado arrimihii laga wadahadlayay.
BBC


0 





