Mareykanka Oo Ka Horyimi Xil-Ka-Qaadista Kheyre, Hanjabaadna U Diray Qas-wadayaasha Soomaaliya

0
Sunday July 26, 2020 - 01:14:10 in News by A. Asbaro
  • Visits: 3139
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 2
  • Share via Social Media

    Mareykanka Oo Ka Horyimi Xil-Ka-Qaadista Kheyre, Hanjabaadna U Diray Qas-wadayaasha Soomaaliya

    Mareykanka Oo Ka Horyimi Xil-Ka-Qaadista Kheyre, Hanjabaadna U Diray Qas-wadayaasha Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mareykanka Oo Ka Horyimi Xil-Ka-Qaadista Kheyre, Hanjabaadna U Diray Qas-wadayaasha Soomaaliya


Muqdisho(HWN):-Dowladda Mareykanka ayaa ka hor-timid oo sharci-darro ku tilmaamtay xil-ka-qaadista lagu sameeyey ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, waxayna ku hanjabtay tallaabo ka dhan ah qas-wadayaasha Soomaaliya.


Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay inay ka xun tahay ficillada ay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Maxamed Mursal Cabdiraxmaan ay codka kalsoonida kala noqdeen ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre iyo xukuumaddiisa.


Tallaabadan ayey safaaradda ku sheegtay inay muujineyso xiisad siyaasadeed ayna waxyeelaynayso hanaanka wada-hadal ee u socda dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah.

Safaaradda Mareykanka ayaa sidoo kale sharic-darro ku qeexday qaabka xilka looga qaaday ra’iisul wasaare Kheyre. "Hanaankan sharci-darrada wuxuu dib u dhac ku yahay ajendaha isbedellada Soomaaliya ay ku raad joogtay ee Mareykanka uu taageerayey. Xasiloonida, amniga iyo barwaaqada Soomaaliya waxaa lagu dhisi karaa oo kaliya wada-shaqeyn, isku xidhnaan iyo isu-tanaasul dhex-mara hogaamiyayaasha Soomaalida,” ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay safaaradda Mareykanka.

"Haddii shaqsiyaad ama hay’ado ay isku dayaan inay u awood sheegtaan kuwa kale, waxay waxyeeleyneysaa xasiloonida dalka oo dhan.”

Safaaradda Mareykanka ayaa sidoo kale sheegtay inay adkeyneyso in waddada kaliya ee horey loogu socon karo ay tahay in la fuliyo doorasho si nabdoon waqtigeeda ugu dhacda oo ku saleysan wada-tashi iyo wada-hadallo miro dhal ah.

"Safaaradda Mareykanka waxay ku boorineysaa dowladda federaalka, dowladaha xubnaha ka ah, baarlamanka iyo dhammaan dhinacyada kale inay sii wadaan inay ka wada-shaqeeyaan fulinta heshiiskii lagu gaadhay Dhuusamareeb,” ayaa lagu yidhi qoraalka Mareykanka.

Mareykanka ayaa sidoo kale ku hanjabay tallaabo ka dhan ah qas-wadayaasha siyaasadeed ka wada Mareykanka. "Waxaan qaadi doonnaa tallaabooyin ka dhan ah qas-wadayaasha raadinaya inay waxyeeleeyaan horumarrada Soomaaliya ee ku wajahan xasilloonida, nabadda, dowladnimada loo dhan yahay iyo barwaaqada. Ma dooneyno in Soomaaliya ay aaddo jiho qaldan,” ayey tidhi dowladda Mareykanka.


Loading...
Loading...