Midawga Afrika Oo Ka Hadlay Shirkii Dhuusamareeb
Hargaysa (HWN) Qoraal kasoo baxay Xubnaha Ururka Midowga Afrika ee taageera Soomaaliya ayaa lagu soo dhaweeyay qodobadii kasoo baxay Shirkii Madaxda Dowladda Federaalka & Dowlad Goboleedyada ee Magaalada Dhuusamareeb.
Ururka Midowga Afrika ayaa taageero u muujiyay go’aanka hoggaamiyeyaasha ee guddiga Farsamada ee doorashooyinka oo ay Magacaabeen qaar ka mid ah maamul goboleedyadda.
"Guddiga midowga afrika wuxuu soo dhaweynayaa kulanka udhaxeeya Dowlada Federaalka Soomaaliya (FGS) iyo Hogaamiyaasha Xubnaha Dowlada Federaalka (FMS) ee Dhuusamareeb waxaana lagu dhiiri gelinayaa isbadalada hogaamiyaasha in la sameeyo gudi farsamo oo kahadlaya qaab dhismeedka doorashada 2020″ayaa lagu yidhi War ka kasoo baxay Midowga Afrika.
"Intaa waxaa sii dheer, guddiga midowga afrika wuxuu rajaynayaa gabagabada guul ee geedi socodkan oo ah inuu soo bandhigo xalka lagu shaqeyn karo oo balaadha sida ugu badan ee suuragalka ah tirada codbixiyeyaasha” ayaa mar kale lagu yidhi Warbixinta Ururka.
Guddiga midowga afrika wuxuu hoosta ka xariiqay in howshan ay tahay in ay ku dhawaaqdo is waafajin ballaadhan oo ku saabsan Soomaaliya dhanka mustaqbalka.


0 





