Boqor Salman oo lagu sameeyey qalliin looga saaray xameetida

0
Saturday July 25, 2020 - 07:31:05 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1144
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Boqor Salman oo lagu sameeyey qalliin looga saaray xameetida

    Hargeisa(HWN):-Boqor 84-jirka-ah ee Sacuudiga Salman bin Abdulaziz ayaa maanta lagu sameeyey qalliin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa(HWN):-Boqor 84-jirka-ah ee Sacuudiga Salman bin Abdulaziz ayaa maanta lagu sameeyey qalliin

Hargeisa(HWN):-Boqor 84-jirka-ah ee Sacuudiga Salman bin Abdulaziz ayaa maanta lagu sameeyey qalliin looga saaray xameetida, waxaa sidaas sheegtay maxkamadda boqortooyada, saddex maalmood kadib markii Cusbitaalka la dhigay.
King Salman


Waa wax nadir ah in Saudi Arabia ay ka warranto xaaladda caafimaad ee boqorka gaboobay, kaasi oo dalkaas xukumayey tan iyo sanaddii 2015.

Boqor Salman, ayaa ah boqorkii labaad ee mid ka mid ah dalalka Khaliijka oo toddobaadkan isbital la dhigo, kadib markii boqorka 91-jirka-ah ee Kuwait Sheikh Sabah al-Ahmad Al-Sabah sidoo kale la dhigay isbital.

Boqorka "wuxuu maanta isbitalka Boqor Faysal ee magaalada Riyadh ku maray qalliin looga saaray xameetida,” ayey tiri maxkamadda boqortooyada oo bayaan ay soo saartay lagu baahiyey wakaaladda wararka dalkaas ee SPA.

Boqorka ayaa isbitalka kusii nagaan doono muddo, kadib qalliinka "lagu guuleystay”, ayuu bayaanka intaas ku daray. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa "dib loogu xaqiijiyey caafimaadka” boqorka intii lagu guda jiray taleefon uu maanta kula hadlay dhaxal-sugaha Sacuudiga Mohammed bin Salman, sida ay sheegtay wakaaladda wararka SPA.

Boqor Salman ayaa isbitalka la dhigay Isniintii, si tijaabooyin caafimaad loogu sameeyo, kadib markii uu olol ka dareemay xameetida.

AFP

Loading...
Loading...