"Cafiska ha la ogaado, Innaga Madaxtooyadeenna, Maxaa laga yidhi Dulqaadka..?"

0
Friday July 24, 2020 - 23:53:52 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1702
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Cafiska ha la ogaado, Innaga Madaxtooyadeenna, Maxaa laga yidhi Dulqaadka..?"

    Sidoo kale Sheekhu waxa uu ka hadlay waajibaadka looga baahan yahay hoggaamiyeyaasha Muslimiinta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sidoo kale Sheekhu waxa uu ka hadlay waajibaadka looga baahan yahay hoggaamiyeyaasha Muslimiinta

Hargeisa(HWN):-Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Sh. Aadan-Siiro) oo ka mid ah Musheekhda Somaliland, ayaa khudbad wacigelin ah oo uu dhinacyo badan kaga warramay Diinta Islaamku waxay ka tidhi iyo sida looga baahan yahay.
Sheekh Aadan Siiro Oo Ka Hadlay Khilaafka Mucaaradka & Xukuumadda ...


Sheekh Aadan-Siiro Khudbadda uu ka jeediyey Jimcihii Maanta Masjidka uu Khaddiibka ka yahay ee magaalada Hargeysa, waxa uu kaga warramay Fadliga tobanka cisho ee ugu horreeya bisha barakaysan ee Carrafo, siday tahay in looga faa’iidaysto iyo ku dhaqanka Diinta Islaamka.

Sidoo kale Sheekhu waxa uu ka hadlay waajibaadka looga baahan yahay hoggaamiyeyaasha Muslimiinta iyo Dulqaadka looga baahan yahay, iyaga oo maraya Jidkii hoggaamineed ee Nebi Muxamed (CSW) nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee iyo Khuluufadii hoggaanka Islaamka uga dambaysay, lana muujiyo dulqaadkii ay lahaayeen mid la mid ah, isagoo xusay inaanay Madaxtooyada Somaliland looga arrimiyo Madaxda ku jirtaa dulqaadkii iyo xog-ogaalnimadii looga baahnaa hoggaanka Islaamka aanu ka muuqan wakhtigan.

Sheekh Aadan waxa uu sheegay in cafisku ka mid yahay waxyaabaha fadliga maalmahan qaaliga ah lagu helo, cafiska iyo dulqaadkuna yihiin wax weyn oo Illaahay loogu dhawaado. "Innaga Madaxtooyadeenna, Maxaa laga yidhi Dulqaadka? Dulqaadku waa doqanniimo Sumxaanallaah…..” sidaa ayuu yidhi Sheekh Aadan-Siira oo tusaale u soo qaatay hadal uu hore u jeediyey Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi.

Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland

Loading...
Loading...