Dawlada Soomaaliya Oo Hawada Ka Celisay Diyaarad Laga Leeyahay Kenya Iyo Sababta Keentay
Muqdisho(HWN):-Dawlada federaalka ah ee soomaaliya ayaa hawada ka celisay diyaarad laga leeyahay dalka Kenya.
Diyaaraddan oo ay lahayd shirkadda duulimaadyada Jetways Airlines oo ka diiwaan gashan Kenya ayaa waxay sidday 80 qof oo rakaab Soomaali ah, kuwaasi oo diyaaradda ay usoo kireysay safaaradda Soomaaliya ee Kenya.
warbaahinta Muqdisho ayaa ku waramaysa in diyaaradda sababta loo celiyey ay tahay qaad lagu soo qariyey, oo la ogaaday markii ay diyaaradda soo duushay.
Mas’uuliyiinta shirkadda ayaa la sheegay inay dowladda Soomaaliya kusoo war-geliyeen in diyaaradda uu saaran yahay qaad aysan ogeyn oo lagu soo qariyey. Arrintan ayaa la sheegay inay u sameeyeen si ay uga hortagaan in diyaaradda laga mamnuuco Soomaaliya, haddii qaad laga helo marka ay soo degto.
![]()
Hay’adda duulista rayidka Soomaaliya ee SCAA ayaa markii kadib diiday in diyaaradda ay soo gasho Soomaaliya, kuna amartayinay dib ugu laabato Kenya.
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dalka ka mamnuucday qaadka, kadib markii Soomaaliya laga helay kiiskii ugu horreeyey ee cudurka COVID-19 bartamihii bishii March, mana jirin qaad dalka si rasmi ah u yimid wixii markaas ka dambeeyey, marka laga reebo qaar hab dhuumaaleysi ah lagu soo geliyey.


0 





