Muuse Biixi Oo Si Indho La,aan Ah Uga Hadlay Qorshaha Ciidanka Loogu Samaynayo Badda Cas
Hargeysa(HWN):-Madaxweynaha somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay qorshaha ciidamo loogu samaynayo xeebta badda cas ee somaliland qaybta ku leedahay.
Muuse Biixi oo maanta ka hadlayey munaasibad uu tababar ugu soo xidhayey ciidan ka soo baxay Mandheera ayaa sheegay inaan xukuumadiisu aqbalayn qorshe aanay qaybta ka ahayn ee ciidanka loogu samaynayo xeebaha badda cas.
Muuse Biixi waxa kale oo uu fariin u diray wadamada ku midoobay qorshaha xeebta badda cas.
Hogaamiyaha somaliland oo ka hadlaya wadamada isku bahaystay badda cas ayaa waxa uu yidhi "Cidina naguma matasho badda cas, cidna ka yeeli mayno wax qaranimadayada wax u dhimaya, dawladaha yidhi badda cas waxaanu u samaynaynaa ciidan difaaca ee magacyada badan leh ee sideeda dawladood ah waxaanu cod dheer ugu sheegaynaa baddayada iyo barigayaga anaga ayaa difaacana cid aan nagala tashana iman mayso kana yeeli mayno.โ
Muuse Biixi oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey "mana nihin qolo ku baqanaysa cidbaa xoog weyn iyo taangi ayuu wataa midna ma aaminsanin oo hore ayaanu taangiyo ugu furanay qori iyo tagi yar.โ

Waxa kale oo uu baaq u diray wadamada awooda ciidan leh ee ku jira isbahaysiga badda cas "Nin wal oo xoog weyn waxaanu u sheegaynaa nabad iyo walaaltinimo inaanu ka rabno.โ


0 





