Ummadan Ay Aduunyadu, Albaabada Ka Xidhateed, Ku Itaalsoleedahay, Arramideedu Kugu Maqan.

0
Friday July 10, 2020 - 10:21:51 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 655
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ummadan Ay Aduunyadu, Albaabada Ka Xidhateed, Ku Itaalsoleedahay, Arramideedu Kugu Maqan.

    Ismail Abdillahi Handuleh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ismail Abdillahi Handuleh

BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM (A.C.W.R.B)

WAXAN SALAAN KHAASA U SOO DIRAYAA BAHDA H/W,

IYO AKHRISTAYAASHEEDA.

 

1-UMMADANI  ADUUNYADA,AFARTEEDI GEESOOD,

   ALBABADA KA XIDHATE,U AFDUBAN DUULBAAS,

   ABANSADNA LEYAHIIN,ISLAAM QAAR LA MOODO,

   UURKUNA SI KALE YAHAY,AFKA AAN WADAAGNO,

2-ALLAHII ABUURAY,AYAA NOOGA DHIGAY DERIS,

   CIDSE EERSANMAAYO,ADHIGUBA SHABEELKUU,

  ADIMADA KU DOONTAA,ANIGAYSU LOOGAYOO,

ABAALKAYGI WAAN HELAY,WAXSE AAD OGAATA,

 

3-AFRIKAYNU JOOGNAA,ABAALKA IYO NASIIBKUNA,

AADBA UGAMA RAAGAAN,IILANA MAAYO RUUXII,

AXSAAN KUU SAMEEYAA,INKASTABA HA GAADHE,

ANIGOON KUU ABAAL HAYN,LAY AROOSIDOONAA.

 

4-AJANEBIGU ABUDKOOD,KU ILAALIN MAAYAAN,

   AROORTANAY KAA TEGI ,AMUURAAN ARKAAYO,

   UUNKA KAAD KA XULATEED,ARLIGA U SAXEEXDE,

   DURBA WAY KU ADAGTO,ITAALBAW RUN SHEEGE.

 

5-AROOSKA IYO MASHXARADI,ABBYEE MA HAYSAAN,

   AQALADII WAKIILADA.OLOLAHIINA KUGU FURANYE,  

   ULATAY MAXAAD ODHAN,SOO URURTAY XAAJEE,

   INYARMAD ISMOODE,HAATAN WAA AFKALA QAAD.

         ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...