Qiimeynta Guud Guda-Galkii SNM Ee Sadexda Aag Ee Cadaadley, Hargeysa Iyo Burco 1988

0
Thursday July 09, 2020 - 10:25:13 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1888
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Qiimeynta Guud Guda-Galkii SNM Ee Sadexda Aag Ee Cadaadley, Hargeysa Iyo Burco 1988

    Hadii aynu is dul taagno, hawlgalkii lagu riiqdey ee gudagalkii taariikhiga ahaa May 27, 29,31, 1988-kii,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hadii aynu is dul taagno, hawlgalkii lagu riiqdey ee gudagalkii taariikhiga ahaa May 27, 29,31, 1988-kii,

 ee sadex-da aag Maka(Hargeysa), Madiina(Burco) iyo Beder(Cadaadley). Si aynu taarikhdaas aynu u garano, bal aynu gorfeyno, talaabooyinkan hoos ku qoran.

 

@Sidey aheyd xaaladihii siyaasadeed ee markaas taagna gudo iyo dibad-ba ee ay ku sugneyd SNM?

(b)  Sidey  sadexda aad  u  adeegsadeen qorshihii dagaal ee        is-daba yaaley ee Plan A, B, iyo C ee la diyaariyey 1986-kii?

(c)Qorshihii dagaalka siduu u hirgalay iyo god-doloolooyinkii dagaal ee 3da Aag?

 

@ Sidey aheyd xaaladihii siyaasadeed ee markaas taagna gudo iyo dibad-ba ee ay ku sugneyd SNM?

 

Waxa hodanti ah, in SNM ay laheyd garab xoogan oo military ah, iyo mid siyaasadeed oo korjoogeeya hab-usocodka dagaal iyo jaan-goynta hab-raac ee xidhiidhka dibadda. Waxa jirtey xiliyo labada awoodood waa ta military iyo ta siyaasadeed gacanta ugu jirtey saraakiisha militariga oo doorosho ku timid, oo aheyd markii talada uu hayey AHN C. Qadir Kosaar.

Waxa hubaal ah, in C. Qaadir koosaar xiligiisii ciidanka la dhisay, tababar ahaan, niyad ahaan(morality), iyo in uu keeney saanad military(military equipment) oo cusub oo ilaa maanta la isticmaalo, sida qoriga loo yaqaano Siikawiga, ee boobaha baabuurta lasaaro, ka kale loo yaqaaney lowga, ee taankiyada lagu gumaado degtana lagu qaato iyo qorigii AK 47 Nuur-Madoba loo yaqaaney, iyo xidhiidh iskaashi oo lala yeeshey dalal Ethiopia ka baxsan sida Yemen iyo kuwa kale oo jidka kusoo jirey. (Yuusuf Maydal Cumar, Cabdi-Keydsane bulbul)

 

Waxa iyana jirey in C. Qaadir koosaar uu sameeyey in dhamaan ciidankii sida goosanka ahaa, oo yaalen deegaan aad u balaadhan, oo reer ahaan loo degey, min Balla-Dhaye(Buuhoodle district) ilaa Durya(goob Boramma ku began). Nasiib darro, ciidanka Siyaad Barre iyo Jabhadihii garabsaarka lalahaa, sida tii Ugaadeenka, iyo kuwo deegamada qaar ee SNM-ta ku abtirsada oo iyagu basaasiin iyo hawl- fududeyn u badnaa, intuba goorta ay rabaan iyo goobtey rabaan ayeey si xor ah gudaha agaaga SNM u tax-taxaashi jireen.(Abdi-Kariim Xaashi Cilmi, Ahmed Weysa Cadde)

 

Markii talada siyaasada loo doortey, Ahmed Silaanyo, waxa dhacdey, in saraakiishii ciidanku ay galangal u yeesheen siyaasada, sababo loo aaneyn-karo, hogaanka cusub uu waayo aragnimo u laheyn hab- dhaqanka jabhada, iyo xifiltanka ka dhexjirtey jirtey jabhadda oo aanu la qabsan.

Waxa saraakiisha ciidanku u qeybsameyn, badh damac siyaasadeed galey, aan ku socon majare ay ku fushadaan waxay rabeen, awood, iyo ciidan taabacsan midnaba, Tani waxay dhashey, in ay la go’day xabsina muteysteen kadib markii ay ishaaq-sadeen in ay iska horqaadi karaan, Gudoomiyha ururka SNM, waxaaney shirqool dil ah ay ku dhaqaaqeen. Nasiib wanaag waa laga war helay, gacantana waxa lagu soo dhigey saraakiil ay ka mid ahaayeen: Laba-xidigle: Muuse Biixi Cabdi, Korneyl: Maxamed Cilmi


Samater, Gaashaanle-Dhexe: Ibrahin Dhagaweyne iyo Gaashaanle: Cali Hayaan. Ragaas oo lasoo daayey, bil ka hor intaan dagaalka lasoo galin.

Sidoo kalena, waxa iyana jirey saraakiil ciidanka ka mid ah oo iyana faraha kula jirey, xog-ogaal u noqoshada xaalada siyaasadedd ee Jabhadda. Si ay xog uga helaan heerka ay gaadhey siyaasada SNM in la isku haleyn karo iyo in kale. Saraakiishani waxay isku qanciyeen in ay garowsadeen in SNM ay laheyn hogaan u heelan, ceelna u qodaneyn iyo ceelalyo u maqaneyn.

 

Maxamuud Biixi


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...