Madaxweyne Muuse Biixi Oo Xadhiga Ka Jaray Wiishash Dp World U Keentay Dekeda Berbera+Sawiro

0
Monday April 15, 2019 - 15:00:15 in News by
  • Visits: 4486
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Muuse Biixi Oo Xadhiga Ka Jaray Wiishash Dp World U Keentay Dekeda Berbera+Sawiro

    Madaxweyne Muuse Biixi Oo Xadhiga Ka Jaray Wiishash Dp World U Keentay Dekeda Berbera+Sawiro

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Xadhiga Ka Jaray Wiishash Dp World U Keentay Dekeda Berbera+Sawiro


Berbera(HWN):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta si rasmi ah xadhigga uga jaray saddex wiish (Mobile Harbor Crane) oo cusub loogu talo-galay rarka iyo dejinta badeecadaha kala duwan ee dekedda Berbera ka dhoofaya iyo kuwa ka degayaba.



Image may contain: sky, cloud and outdoor

Wiishashka (Mobile Harbor Crane) cusub ee loo keenay dekedda Berbera oo Xaddiga qaadistoodu dhantahay 120 tone (Boqol iyo labaatan tan), qiimahooduna dhan yahay 12 milyan (Laba iyo Toban milyan) oo dollar, ayaa munaasibad kooban oo xadhigga lagaga jaray waxa madaxweynaha kala qaybgalay Guddoomiyaha golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Baashe Maxamed Faarax, guddoomiyaha maxkamadda sare, Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, xubno ka mida axsaabta xisbiyada qaranka, Maareeyaha dekedaha, Mudane Siciid Xasan Cabdilaahi, madaxda shirkadda DP World, xubno kamid ah golaha wasiirrada iyo marti-sharaf kale, waxana si weyn looga markhaati kacay horumarka ballaadhan ee ay ku tallaabsatay dekedda Berbera ee ay maalgelinayso shirkadda DP World.

Image may contain: 9 people, people sitting
Image may contain: 10 people, people smiling, people standing and suit
Image may contain: ocean, sky, text, outdoor and water

Ugu horrayn guddoomiyaha dekedaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Siciid Xasan Cabdilaahi oo munaasibadda hadal kooban ka jeediyey, ayaa si hufan u faahfaahiyey horumarka ay ku tallaabsatay dekedda Berbera iyo sida meesha looga saaray baahiyihii badnaa ee ka jiray dekedda.


Maareeyuhu waxa uu ammaanay tallaabada dekedda lagu keenay wiishashka cusub ee uu sheegay inay suurogelinayaan inay dekeddu isku filnaato marka la eego dhinaca rarka iyo dejinta badeecadaha kala duwan ee dekedda kasoo dega iyo kuwa ka dhoofaba, islamarkaana ay wiishashkani yihiin kuwa ugu casrisan ee ay isticmaalaan dekedaha dunidu.

Image may contain: one or more people, wedding and indoor
Image may contain: 4 people, people smiling, people standing
Image may contain: sky, cloud and outdoor

Madaxweyne-ku-xigeenka shirkadda DP World ee gacanta ku haysa dekedda Berbera, Mr. Suhail Al-banna oo isaguna munaasibadda xadhigga lagaga jaray wiishashka cusub ee dekedda Berbera la keenay, ayaa caddeeyey inay shirkad ahaan si weyn xil iskaga saareen casriyeynta dekedda Berbera iyo sidii ay dekeddu u noqon lahayd mid casri ah oo la tartanta dekedaha deriska, islarkaana ay ku hawlan yihiin ballaadhinteeda iyo horumarinteedaba.

Image may contain: one or more people, people standing, sky and outdoor
Image may contain: sky and outdoor
Image may contain: 6 people, people sitting

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa isaguna dhinaciisa munaasibadda ka jeediyey hadallo dhinacyo badan leh oo salka ku haya sida ay xukuumaddu u danaynayso in la dhammaystiro dhammaanba baahiyaha guud ee ay dekeddu leedahay, Waxana uu ku dheeraaday marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay dekedda Berbera, isaga oo madaxweynihii hore ee Somaliland, Mudane Axmed Siilaanyo uga mahadnaqay go’aankii uu dalka ku keenay shirkadda dekedda Berbera gacanta ku haysa ee DP World oo horumar ballaadhan iyo casriyeynba ku samaysay dekedda.


Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa sharraxay horumarka is xig-xiga iyo mashaariicda kala duwan ee muddooyinkan dambe ka hirgalay Berbera iyo sida ay usoo jiidanayso indhaha caalamka iyo kuwa bulshada deriskaba, waxana isaga oo arrintaas ka hadlaya uu yidhi,"Maanta waa taariikh nool oo aynnu joogno in dekeddii la ballaadhinayo, in ummadda oo dhammi Berbera soo higsanayso iyo inay Berbera tahay iftiin Afrika oo dhan ka muuqda, saddex cisho ka hor waxa laga furay wershad Baatroolka sifaysa, maantana waxa laga furayaa wiishashka tiradaas le’eg iyo kuwa soo socda.”

Image may contain: 7 people, people smiling, suit and wedding
Image may contain: 4 people, people sitting, wedding and suit
Image may contain: 2 people, people sitting

Madaxweynuhu waxa uu farriin u diray dhammaanba bulshada reer Somaliland, isaga oo ugu baaqay inay soo dhaweeyaan horumarkaas la wado, soona dhaweeyaan bulshooyinka kala duwan ee ganacsiga iyo shaqadaba u imanaya magaalada Berbera, "Somaliland oo dhan waxa ku waajib ah inaynu Ilaahay u mahadnaqno oo aynnu keenno caqligii aynnu ummaddaas oo dhan ku hanan lahayn, marka aynnu bani’aadamka soo dhaweynno ee aynnu wax la qaybsaynno ee dadku inagu soo dhiirrado ee uu ina aamino ayeynu horumar samayn karnaa,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.


Dhinaca kale, madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu kormeer kooban ku sameeyey dekedda cusub ee shirkadda DP World ka waddo Berbera oo cabbirkeedu dhan yahay 400M (Afar Boqol oo mitir), waxana uu indhihiisa ku arkay shaqooyinka kala duwan ee dekeddaas lagu dhisayo oo si habsami leh halkaas uga socda.


Wa-bilaahi Tawfiiq

Loading...
Loading...