Caddaalada Cawo Waa Imtixaan Horteena Yaal !

0
Friday July 03, 2020 - 16:16:53 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1001
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Caddaalada Cawo Waa Imtixaan Horteena Yaal !

    W/Q: Maxamed Siddiiq Dhamme

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Maxamed Siddiiq Dhamme

Laguma kalsoonaan karo baadhista la sameeyay oo aan ahay mid si dhaba loo baadhay dacwadda. Waxaana maqan weli Shan eedaysane sida ay sheegeen Qareenada Cawo dacwadeeda wadaa, waxaana weliba la sheegayaa in ay maqan yihiin rag da'ahaan iyo masuuliyad ahaanba ka weyn carruurta hadda xidhan. Laanta danbi baadhista waxa saaran xil-weyn iyo waajib ka ballaadhan inta ay qabteen.

 

Maamulka xarunta oo qarinaayay dhacdada shan bilood iyo dheeraad waa in lagula xisaabtamaa dayaacadda masuuliyadda carruurta oo ay qayb ka ahaadaan eedda iyo dacwad oogista., halka hadda ay ugu jiraan marag ahaan dacwadda. Waxa halkaa ka dhacay waa gacan siin iyo dayacaad masuuliyadeed. Dadka baxsaday qaar ka mid ah xaruntu way ogayd in ay qayb ka yihiin denbigaa weyn waxaana loo fududeeyay baxasashada sharciga laga qariyay.

 

Wasiirka waxbarashada hadalkiisi uu ku canbaaraynaayo dadka ka damqaday dhacdada ee uu ku sheegaayo in ay sumcad dilayaan xarunta iyo carruurta, waa mid ka fog caddaalada iyo masuuliyadda saaran. Sidaa uu u hadlayna waxay muujinaysaa in aanay damqin dulmiga ku dhacay Cawo yar. Madaama masuuliyada uu qayb leeyahay waxay ahayd in uu qaado tallaabo ka jawaabaysa foolxumada ka dhacday xarunta iyo fadeexadda dul hoganaysa maamulka .

 

Si loo helo xog dheeraad ah iyo dhacdada danbiilayaasha dhabta ah waa in carruurta xidhan ee aan haysan Qareenno ay helaan cid waraysata oo Qareen ah si loo sugo caddaalad. Masuuliyad weynbaa innaga saaran oo ah in aanay qarsoomin danbiilayaasha dhabta ah, laguna oogin eedda toddobada xidhan iyadoo ay jiraan qaar la helinkaro aanse laga hawlgelin weli qabashadooda


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...