Somalia Maxay Ku Falaysaa Midnimo?Jawaab Ku Socotta Yusuf Garaad.

0
Friday July 03, 2020 - 10:09:45 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1242
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somalia Maxay Ku Falaysaa Midnimo?Jawaab Ku Socotta Yusuf Garaad.

    W/Q: Rashiid Odowaa M.A diplomat and IR

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Rashiid Odowaa M.A diplomat and IR

Waxan doonayaa inaan halkan kaga jawaabo maqaal uu dhowaan qoray Yusuf garaad Cumar oo hore u ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somalia isla markaana ahaa  suxufi wakhti dheer soo maamulay idaacadda BBC.



Maqaalkan uu Yusuf garaad Qoray waxa uu uga dhigay Cinwan  Maxay Somaliland ku falaysaa Midnimo?Jawaabtu isla suaasha ayay ka dhex muuqattaa wayna gaabantahay oo waxa weeyaan waxba kuma Falayso midnimo,lakiin suaasha aadka u qottada dheer ee in la is waydiiyo u baahan ayaa ah Maxay Somalia ku falaysaa Midnimo?!!!!!!


Kollay maqaalkaas qofkii akhriyay wuu akhristay waxan ka fah may marka nuxurkiisa la soo gaabiyo,inuu Yusuf garaad qiray in dadka reer Somaliland yihiin dad tashaday oo yool cayiman leh waxase uu soo jeediyay in la burburiyo fikirka reer Somaliland oo dagaal lagu qaado iyo Brobagando loona ekaysiyo fikirka ay qabaan ee Somalilanderka ah badownimo iyo xagjirnimo,waxa uu ku baaqayaa in dadka reer Somaliland ee iyagu rumaysan Somali wayn in la buun buuniyo oo la soo dhaweeyo oo talo la waydiiyo waana Siyaasadda ay hadda ku shaqayso Xukuumadda Federalka ee Somalia ka jirtaa.


Aynu is waydiino aragtida qabta Somali ma kala maaranto ma runbaa?Maxaa loo hayaa cilmi baadhis iyo xog la ururiyay?mise waxay u egtahay uun Hadal afka baarkiisa ah oo guuldarrada lagaga siibto.waxan in badan maqallaa qolyaha reer Somalia oo marka dhib soo wajahdo ama ay waxba ka qaban kari waayaan arrimaha gudohooda yaalla ayay u saran dadka heesta Tidhaa "Somaliyey Toosoo,toosoo isku tiirsada”waxay ku jeediyaan dadka waxayna ka dhigaan dhiig joojin iyo xumad jebin mar kale ay haddana raadinayaan midnimadii.waxanse odhan laha waar dadka ha lugoynina.

 

Adduunyada waxaynu ka ognahay in aragtiyo hore oo badan oo socon waayay la iska dhigay sida Charless Darwin oo odhan jiray Dadku asalkoodii hore waxay ka yimaaddeen Daayeer aragtidaas way socon wayday,macnaha waxan ka wadaa aragti (Theory)hadday socon waydo waxa haddana loo wareegaa arag ti kale waxa la yidhaa bal tii hore socon wayday ee tan kalena ma eegnaa,Somali uunbaa Adduunka la hayaa umad dhan oo bilaa cilmi baadhis ah oo halkii ay shalay ku jabeen haddana maanta ku sii indho cad.

 

Haddii aan taariikhda in yar dib ugu noqono Waxa laga wada dheregsanyahay in midnimadii 1960kii Mabaadii’da guud ee loo samaystay ay ahayd Jibbo iyo qiiro la rabay in  la abuuro Wax markaas u muqday Dowlad wayn oo la yidhaa Somali wayn (Greater Somalia) si ay u noqotto quwad xoog ku leh geeska Afrika waxa laga bilaabayay in marka hore dhulalka maqan la raadiyo oo horta Ethiopia la weeraro oo xoog lagaga qabsado dhulkii ama Gobolkii loo yaqaannay Somali galbeed (Ogadenia) imikana loo yaqaan Killilka shanaad waxa ku xigi lahayd in Kenyana sidaas oo kale Weerar lagu qaado oo laga soo dhacsado Gobolka loo yaqaan Woqooyi bari (NFD) waxa ku xigi lahayd in jabuuti la yidhaa khasab nagu raaca,Qorshaha noocaas ah ayay lahayd aragtida Awrka Cirka ee fikirka Somali wayn.


Aragtida noocan ahi iyo cadho hore oo la isu qabay ayaa isla markiiba keentay in Ethiopia iyo Somalia ay markiiba isu cadow noqdaan sidaas ayu dagaalkii ugu horreeyay ka dhex Qarxay 1964kii Somalia iyo Ethiopia.Haddana waxa ku xigay oo daba socday kii 1977kii oo lagu rabay in lagu soo celiyo dhulka loo yaqaanay Somali galbeed maantana ah Killilka Shanaad ee Ethiopia dagaalkan oo khasaare aad u wayn keenay ugu danbayn Somalia way ku jabtay oo waxa Ethiopia gacansiiyay dowladihi Hantiwadaagga Sida Ruush,Cuba iyo Yemen.waxa loo tiriyaa inuu dagaalkani sababay Burburkii Somalia.


1979 -1981kii ayay ahayd markii Somalia nin kastaaba dhinacii uu u jeeday u dhaqaaqay ka dib markii lagu soo jabay dagaalkii Ethiopia isla markaana cadaadis, cabudhin iyo maamul xumo lagala kulmay Taliskii Maxamed Siyaad barre sidaas ayay ku Waxa Samaysantay Jabhaddii SSDF oo uu madax u ahaa C/laahi Yusuf Axmed Waxana jabhadaas iyo Ciidamada Ethiopia oo is garabsanayaa Qabsadeen Magaloyinka Balanballe iyo Galdogob


1981kii ayay ahayd markii Jabahadda SNM lagaga laga Unkay Carriga Ingriiska jabhaddani waxay dagaal adag kala hortagtay xukuumaddii Maxamed Siyaad barre gaar ahaan Aagga gobolla da Woqooyiga imikana ah Somaliland muddo 10 sananod ah oo dagaal faraha lagag gubtay,xasuuq,duqayn Diyarad iyo madafiic iyo hub nooc kasta la isu adeegsaday waxa uu keenay aakhirkii Burburkii Somalia.


Koonfurta Somalia 1990kii waxa ka bilaabantay Jabhaddii USC sidaas ayanay muqdisho dagaal ugu qaadeen ugu danbaynna sid aas ayuu Madaxweynihii Somalia ee xilligaas oo watta raxan gaadiid iyo ciidan ah uu Orod kaga baxay Muqisho.


1991kii ayay Somaliland dib ula soo noqottay Madax banaidii ay lumisay 1960kii haddana ay ku tahay magaca loo yaqaan Jabhuriyadda Somaliland in kastoo anay aqonsi helin haddana waa waddan dhisan oo shaqaynaya oo Nabad ah waxan rumaysnahay khasaarihii midnimada Somaliland hadda way ka soo kabatay lkn Somalia kamay soo kaban.


1991kii Koonfurta Somalia waxa ka bilaabmay dagaallo. Waxa ku xigay Hogaamiye kooxeedyo iska hor yimid oo dagaallo ka bilaabay,waxa ku xigay dagaalladii maxakimta waxa ku xigay Alshabaab illaa iyo maantana howshasi way socottaa.maanta waxa Somalia jooga Ciidamo ajnabi ah oo u jooga Nabad ilaalin sida (Amisom) waxa ugu xoog badan Ciidamada Ethiopia oo goorta ay rabaan meesha ay doonan ka soo gala hadda garo oo Ethiopia waxay ahayd tii loo Samaystay Somaliwayn ee la rabay in lala dagaalamo maantana waa ta loo kala dheeraynayo ee la iska dhisayo markaas halkas waxa ka muuqda in Riyadii iyo aragtidii Somali wayn ay Fashilantay.waxayna ku fashilantay 


Jaranjarradii koowaad.


Midnimo dib la isugu daraa Somalia iyo Somaliland xal u noqon mayso mashaakilka koonfurta Somalia ka aloosan.sidoo kale Dan uma aha Somaliland oo iyaduba u baahan inay nidaamkaa ay dhisatay ay ilaashato oo Somaliland ayaaba u baahan inay gudeheeda iyo midnimadeeda sii adkaysato ee inay badwayn kale oo isla rogaysa ku dhex dhacdo taas diyaar uma aha.


Waxa ka muuqatta uun in qolyaha Somalia markay xal kale u waayeen arrimaha dhexdooda ayay dadka ku jeediyaan oo ay yidhahdaan Somaliland ayaanu raadinaynaa oo waxanu dib u soo celinaynaa midnimadii.


Madaxweyne farmaajo ayaa sidan yidhi dhowr jeer "marka midnimo la helo ayay Somalia nabad iyo barwaaqo gaadhaysaa oo caruurteenu la tartami karaan kuwa qayrkood” waa sheeko baralay dadka Reer Somalia lagu maaweeliyo.waxayna ku tusaysaa in aan meesha caqli iyo talo midna oollin.waase kalmad olole madaxnimo lagaga helo Somalia isla markaana la iskaga qaboojiyo fashilka

 

Yuusuf Garaad iyo aqoonyahan kaloo badan oo ka soo jeeda Somalia oo ku celceliya Midnimo!! Midnimo!! Way ogyihin in midnimadii hore 60 sano ka dib umadda Somalida ahi faro madhan ka joogto,markaas waa maxay sababta loo raadinayaa.

 

Ugu Danbayn bal Yusuf Garaad aan waydiiyo Waxad tidhi Somaliland maxay ku falaysaa midnimo?Jawaabteedii waad haysaa ee Bal waxad ka jawaabtaa adiga iyo aqoonyahanka kale ee Kula fikirka ah suaasha ah Maxay Somalia ku falaysaa Midnimo?

 

W/Q: Rashiid Odowaa M.A diplomat and IR

[email protected]

063-4101213

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...