Baroortu Orgaca Ka Weyn ( Abdi-Shotraly).

0
Friday July 03, 2020 - 09:51:35 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1202
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baroortu Orgaca Ka Weyn ( Abdi-Shotraly).

    Abdi-Shotaly.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Abdi-Shotaly.

Waxay somalidu maah-maah ku tidhaahaa " Laba bide beerka iska og" Waa dhab aan wax shaki ahi marna-ba ku jirin, Laba sinaba wax u kala qarsooni aanay jirin haba-yaraatee, oo si wacan isu uur og, baa hadana raba in ay isu dabaal-joog-teeyaan, ee waa su'aale ma dhici kartaa? Iyaka oo mid-ba uu doonaayo in aanu ka kale ku garan, khiyaamadda uu u maleegaayo. hadana dhoosha la iskaga qoslaayo. Murti ku jirtey riwaayaddii la odhan jirtey " Xoriyo" baa waxa ay ahayd " Salaan aan niyad ahayn gacmaha la isi saaraayo" Taas oo uu micna-heedu yahay, kuwa isi salaamayaa waa laba ay fiintu dhex miranayso, isu qoolaaya mid-ba in uu midka kale, siduu ugu maleegi lahaa waqcad aanu ka soo kicina, misna la is tusi maayo ee ilka cadayn hoosta ka qalaalan, oo mlili iyo malax xadh-kaha goosatay ay jiifto, baa hadana sabaaxad la isu daadinayaa, oo ay ku sheegaan siyaasad la isu hooo geli-naayo. waxa cayn-kaas ka dhigan, oo si tafatiran inoogu fasilaaya, Wiil-Waal iyo wiilkii uu adeerka u ahaa, markii ay shaxdda wadda ciyaareen, eryaddii ama murtiddii ay is waydaar-sadeen, taas oo uu Wiil-Waal weydiiyey inanka uu adeerka u yahay " Haad-kaas dhacayaa, tallaw muxuu ku dhacyaa?" Ee uu wiilkii ugu jawaabay " Kolba keena hor eega buu ku dhacayaa", Micnuhu waxa weeye, ka haadka sare u eega, baa intuu ku maqan yahay haadka cirka diilaaya, madaxa laga jarayaa, ogaw waa la is gaadayaa, oo hadba kii il-daabaano laga hellaa wuu ku daayey.

 

Aan ku soo hor dhigo xaajadu halau kka socotee, Sheekadda ah beeluu kala fogeeyey Faysal Cali Waraabe, waa mid lagu qoslaa, meel kaloo loo soo marana la waayey. Aan horta is weydiino'e, Yaa ummadda horta kala fogeeyey? Ee reer-reer isugu direy? colaadu halkay marayso maanta geeyey? Yaa abuurey Jabhadaha ka dilaacay Awdal, Badhan, Buuhoodle, sanaag iyo meelo kaloo badan? Ma maamul abuurey faysal baa? Mise waa Farsama xumidda iyo caqli darradda " Raggii ma adigaa ka hadhay? Waxan uga socdaa akhristaw, sheekadda ah Ina Cali Waraabe baa Xasaanad laga qaadayaa, waxay la nooc tahay taa dhex martay " Wiil-Waal iyo inan-kaas uu adeerka u yahay, aan kuu dhex gallo halka ay iska shabahaane, ku soo dhawaw, oo si fiican u fahan haddii aad adigu ka bed-qabto reer hebel. Waxa la yidhi " Baroortu orgaca ka weyn" Waxa weeye u jeedadu, waxa qariya la is leeyahay, laakiin maalin weyn bay gantaalaha cadceedda, ceeb-toodu hoos taalaa, oo ay cid waliba arkaysaa, taas baa hadana la damcay in la isu dedo, oo dhagax malab laguu mar-mariyo, si aad ugu mergato oo uu cunaha isu kaa taagto, uguna dhacdo xadhigii dabinka ahaa ee loo aasay jirey sakaaradda oo klae. ee markay isku taagto hoga, loogu xidhay fitiligta ay ula boodi jirtey laantii xadhiga loogu xidhay, aan kuu soo koobo sheekadda Faysal loo kab-kabayo'e, waa mid ka durugsan waxay sheegayaan, ee halkan hoose ka akhri, iyadda oo aan caadka ka qaaday, xaqiiq-na ah, oo daahir yaa shamis ah.

 

 Maansaddii dir-sooc ee Ibrahim Gadhle (Ihun) baa isaga oo  sheegaaya sirta hoose ee la iskula wareegaayo, leh-na wax inoo kala qarsooni ma jiraane, aynu runta isku cadayno, baa waxa uu ku muujiyey ereyadda ah " Been dabar go'eeddii iyo ha la duugo weeyaan, Runtu daalac yaa shamis, ha ku daaqdo weeyaan" Waa sidaas oo wax-ba la isu hambayn-maayo'e, oo waan isla og-nahay sababta loo eryanayaa Faysal, in ay tahay reer doon-doon la yidhaaho "Garxajis" Iyadda oo xaalka maamulka askariga khawalka ah ee" Raggii ma adigaa ka hadhay" Saw markaas maaha " Sakaaro xaar la arkaayo bay aas-aastaa" Waa u qoor goyn la doonaayo in meesha laga saaro Xusbi-yadda Mucaaridka ah, ka ku xiga ee salaanka loo soo fuulla-yaana waa " Cirro" ee wax-ba yaan diinga-diinga la isu ciyaarin, waan is gondo og-naahye. Horaa loogu maah-maahay "Onkodaw dhac oo xeeshaa dhace", Kuwa xilkii ummadu u egmatay meelkaag bdhacay ee dhibay kuna sheegtaan "Xil-dhibaano", baa waxay ku leeyihiin, Xasaanad ma laha, Hadda waa gudoomiye dhan oo ummadi soo dooratay" Saw maaha waali iyo badh qabyaalad reerayan ah, oo uu askarigan jeebka distoorkii dalka iskaga sito,  dabadana uu ka rixaayo isagu, waa wax geed-na aan loogu soo gaban. Waxan ku soo af-meray qoraalkan, Gabadh baa laga hayaa " Wadaadku Faaan Weynaaye"  Bal maxakamad ku sheegta uu soo aabulay Ka " Awr-kiraalaha ah" ee is-xambaarka ku yimi isagoo dabarka lagu sido iyo kuwa uu amarka siiyo, laguna yidhi hebal waxan doono ku xukuma, marka aad xidhaan ama ka qaadaan "Xasaanadda" baa aynu eegnaa, wadda hadal-ba haad-kaas baa ka hadhaye, In badan buu Garxajis ka sii jeestay Askarigan amaansuukha ahe , ee isu naalee hadaad ku jirta qabtiilagula rabaye, haduun hooggii  laguu qoday cagaha kula jir-taaye.

* N.B Onkodaw Dhac, Oo Xeeshaa Dhac!

Abdi-Shotaly.

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...