Kii hooyaday baa ka wanaagsan!

0
Thursday July 02, 2020 - 09:49:16 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 858
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kii hooyaday baa ka wanaagsan!

    ✍ Ahmed Abdulkadir Ahmed (Kayse)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

✍ Ahmed Abdulkadir Ahmed (Kayse)

Haween badan baa ka masayra hadii ay arkaanragooda oo amaanaya ama xidhiidh dhow la lehhooyooyinkood, masayrka noocaas ahina waxa uudumiyaa, ama degenaashaha u diidaa guryo badan oolaggu soo tabcay dhisiddoodii.

 

Waxaan jecelahay in aan idinla wadaago qisadan oo kamida dhacdooyinka fara ku tiriska ah ee muujinaya in ay jiraan haween cudurkaas u maareeyay qaab cajiiba ooay ku kasbadeen raali’ahaanshaha Ilaahay hantaynaquluubta iyo raaligelinta saygooda.

 

Hawenaydani waxay tidhi: waxaan is guursanay nin, mar kasta oo aan cunto uu jecelyahay u keeno waxa uuiggu yidhaahdaa: aad bay u fiicantahay, laakiinhooyaday waxay karin jirtay mid ka macaan.!

Markii uu sidaa ku yidhaahdo inta ay dhoola cadayso ooay eegto indhihiisa eegmo kalgacal leh ayay hoos isulaxanshashaqi jirtay ( isula hadli jirtay).

 

Waxay tidhi: sidoo kale hadaan cadar is mariyo ama aanu keeno waxa uu odhan jirray "wuu udgoonyahay laakiinkii hooyaday baa ka udgoon.!

Markasta oo sidaa ku yidhaa iyana way dhoolacadaysaaoo eegmo ay ku ladhan tahay kalgacal inta ay eegtoindhihiisa bay xanshashaq aan codkiisa la maqlayn la gaar noqotaa,

 

Waxay nolasheeda kula qaadatay in dhegeheedumaqlaan mar kasta oo ay u adeegto :

Hooyaday waxay samaysaa,.....

Hooyaday waxay tidhi , ………

Hooyaday buu shabahaa..........,

Ka hooyaday baa ka wanaagsan ..!

Iyana kama daasho waligeed in ay dhoola cadayso ooku hubsato daymo naxariis,kalgacal huwan ay kueeegto hoosna u gurxanto.. ……..

 

Markii ay 27 sanno is qabeen ayaa Ilaahay oofsadayhooyadii oo geeridii u timi, xabaashii markii lagga soonoqday hawshii aaskana lagga soo faraxashay ayaawaxa uu fadhiistay ninkii meel keligii isagoo murugaysanwaxaa u tagtay xaaskiisii si ay ugga bi’iso muruggadaiyo tiiraanyada haysata markaas ayuu ku yidhi: iminkaayaa karintaadu, hadalkaagu, qosalkaagu iyocadarkaaguba uu la mid yahay kii hooyaday,...........

Inta ay dhoola cadaysay ayay ku tidhi oo waayo?

Waxa uu ku yidhi: waxaan ku guursaday anigoo 27 sanojirra waxaana ka soo wareegtay guur keeni 27 sanohada waxaad la simantahay hooyaday........

Waxay uggu jawaabtay: ma adiga oo ah macalin dhigaxisaabaadka ayay kaa qaldantay 54 sanadood oo ay kuheelanayd hooyadaa deeq iyo ducaba in aanay la mid ahayn 27 sanadood oo aan kuu adeegayay, Albaabjannada kaaga furan bay ahayd ee umma dhigmo anoodoonaya in aan kuu raaco jannada uun.!” Iyadaa ah waligeed iyo abidkeed qofka kuugu mudan”...!

 

"Mar qudha ayaa ilamadii qoysay dhabanadiisamarkaasuu Madaxa ka dhukaday xaaskiisii”.....

Oo ku yidhi: miyaanay ku dhibin maalin’na ku celcelintiiaan waxwalba ku masaynayay (shabahayay)hooyadaysida ay haween badani ugga masayraan oo ugacadhoodaan arinkaas.,,,,,,.

Waxay tidhi: maya waligay maan ka xumaan balse waanku farxi jirray,...!

Wuxuu waydiiyay maxay ahaayeen hadaladii aad hoosu odhan jirtay ee aanan aniguna weligay ku waydiinin?

Waxay ku tidhi: "mar kasta oo aad hooyadaa xusto ooaad igu masayso(dhereriso) waxaan hoos u odhan jirray" Ilaahayow ilmahayga ku beer in uu ii jeclaado sidaadugu beertay Jacaylka ayaydii aabihii,

Jacaylka aad jeceshahay hooyadaa waa mid aan la helikarin, waanan kugu faanaa waxaanad gaadhay raaliahaanshaheedii, waxaad tusaale uggu tahayIlmahaygana in uu barto siduu ku gaadhi lahaa raalinoqoshadayda......!

 

Ahmed Abdulkadir Ahmed (Kayse)

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...