Somalidu Ma In Ay Shan Dal Oo Bariga Africa Ah Yeelataa Wanaagsan Mise In Ay Dal Kaliya Isku Noqoto ?
W/Q: Maxamed C Jamac Dhimbiil
W/Q: Maxamed C Jamac Dhimbiil
( waxa aan u arkaa in la gaadhay xiligii soomaalidu hogaaminaysay
Bariga Africa in la gaadhay , wadada ay ku imanaysaana maaha tan
midnimada ah ee lagu daalay , suurtagalnimadeeduna ay fog tahay ! )...
akhriso
Waxa aan qabaa in weydiintan ay doodi ka dhalanayso aan jecelahay in
marka aan aragtida aan qabo shaqsiyan dhiibto cidii iga duwani naqdiyi
karto oo waxa ay ku burinayso iyo sida ka duwan ee ka wanaagsan ee
macquulka ah ee suuragali karta ay inala wadaagto .
Somalidu waa dad ku dhaqan Gobolka Bariga Africa halkaasi oo ilaa
intii ay aduunka ku unkanaayeen ay deganaayeen , waligeed inta
taariikhda la og yahay ma jirin dawladnimo isir soomaaliyeed ku dhisan
oo ay wada yeesheen dadka soomaaliyeed ee ku nool Gobolka Bariga Africa ,
walow ay jireen boqortooyooyin hore oo soomaali ka isirnaa oo ay
taariikhdu xustay sida boqortooyadii Adal ee Zeilac ilaa Herer ka talin
jirtay , sidaasi oo kale waxa jirtay xaga koonfurta boqortooyadii
Ajuuraanka , sida ay taariikhdu xusto labaduba waxa ay dagaalo kuwada
jireen Ethiopia iyo qawmiyadaheega oo ahaa iyaguna dawlad guun ah.
Xiliyada gumeystuhu yimid dhulka soomaaliyeed guud ahaan ma jirin
maamul dawladnimo oo jiray , ha yeeshee dadka soomaaliyeed waxa ay u
noolaayeen nidaam dhaqan oo qabail ku dhisan oo xeerarkiisa iyo waxii
lagu kala baxayey iyo sida loo garramayo leh , walow ay somalidu isir
ahaan ay yihiin dad xasaradeed oo aan iyaguna isku roonayn cid kalena
aan u rooneyn oo dagaal u joog ahaa ilaa waligood xaga dhaqankii
baadiyaha kaasi oo sababi jiray in la isku dillo xoolo la kala dhaco ,
ceelasha waraabka iwm oo dhiig badani ku daadan jiray.
Dabayaaqadii qarnigii 18naad ayuu yimid gumeystuhu dhulka soomaalida
guud ahaan oo uu ka dhigay 5 qaybood ama 5 dal , oo midba gaar u haysto
dal reer yurub ahi , tusaale ahaan Somaliland waxa ay mahmiyad uu
danihiisa gacanka cadmeed ka ilaashado ka dhigtay gumeystihii
ingiriiska, Djibouti waxa qabsaday gumeystihii faransiiska , Somalia
waxa qabsaday gumeystihii Talyaaniga , Gobolka waqooyi Barri ee Kenya
ama NFD waxa qabsaday ingiriis oo Kenya haystay , dhulka Somalida
Ethiopia oo laba qaybood ah qayb ingiriiska ayaa ku maamulayey oo
1954kii ku wareejiyey Ethiopia waana qaybta Somaliland laga qaaday ee
loo yaqaanay ( Hawd and Reserve Area ) halka qaybta kale uu talyaani mar
haystay marna ay boqortooyadii Ethiopia ka talin jirtay maamul ahaan u
hoos iman jirtay inkasta oo aanay Ethiopia awood muuqata ku lahayn.
Mararka qaar ayaa la yidhaahdaa fikirka midnimo soomaaliyeed waxa
lahaa ingiriis , sababtuna waxa ay tahay waxa jirtay xili uu ingiriisku
shanta soomaaliyeed marka laga reebo Djibouti uu gacanta ku dhigay oo uu
rabey in Djibouti na lagu wareejiyo si uu dawlad ugu dhiso , waxa ay
ahayd aragtidii Bervin wasiirka ingiriisku u bandhigay aduunka kale ,
inkasta oo laga diiday oo dawlado badani ka soo horjeesteen.
Haddana mar labaad ayey xiliyadii gobanimo doonka dhalatay qadiyada
ah in soomaali weyn la raadiyo , sida ay qoreyso buugta taariikhdu
dadkii u soo joogayna ay wariyaan waxyaabaha dabka usii shiday in la
raadiyo shan soomaaliyeed waxa kow ka ahaa markii boqortooyadii
ingiriisku dhulka Hawd and Reserve Area la yidhaahdo ee Somaliland ay ku
wareejisay dawlada Ethiopia taasi oo sababtay cadho iyo kacdoon aan
istaagin oo ah kii dhaliyey gobanimadii ay Somaliland heshay 26 June
1960 kii in aanay macno badan u sameyneyn ilaa ay aragto shantii
soomaaliyeed oo xor ah oo calan qudha wada leh , waana sababta ay ku
timid midnimadii Somaliland iyo Somalia ee 1 July 1960 kii oo soddon
sano oo kaliya jirtay.
Xiligaasi gobanimada oo maanta laga joogo 60 sanadood ayaa wali la
isweydiinayaa somalidu ma midnimo ayaa u wanaagsan mise in dawlado kala
ahaato , iyada oo ay 29 sanadood kala maqan yihiin labadii kali ahaa ee
isku biiray shantii soomaaliyeed oo ahaa Somaliland iyo Somalia , waxa
su'aali ka taagan tahay haddaba wali soomaalidu midnimo ayuun bay kaga
dhagsan tahay aan suurtagalnimadeedii lahayne ma ka fikirtay soomaalida
oo shan dal oo Gobolka Bariga Africa ah yeelata ?
ARAGTIDAYDA FAAIIDADA AY LEEDAHAY IN AANAY SOOMAALIDU MIDNIMO XILIGANI ISKU HAWLIN ;
waxa aan qabaa aragti ah in soomaalida ay uga faaiido badan tahay in
ay hal dal isku noqdaan in ay shan dawladood yeeshaan oo ay suuragalba
tahay in la arko shantaba soomaali hogaaminaysa oo laga yaabo in
isbadelada Gobolka iyo kuwa Geeska Africa ba in ay soo dedejiyaan
aragtida aan aaminsanahay ee ah in soomaalidu ay yeelato shan dal oo ay
hogaamiso oo Bariga Africa ku yaalla.
Waxa aan u cuskanayaa aragtida aan qabo in xiligani ay jiraan
Somaliland iyo Somalia oo iyagu wali aan midnimo iyo kala bax midna ku
heshiin xaga sharciga laakiin duruuf ahaan iyo xaqiiqo ahaanba kala ah
laba dal oo kala gaar ah oo aan isku dhaweyn , aaney soo muuqana in ay
isku soo dhawaadaan , Djibouti oo isna ah dal ay Somalidu hormood ka
tahay oo ay hogaamiso walow ay qoomiyado kale ku nool yihiin , Ethiopia
iyo Kenya oo ay suuragal tahay in 20 sanadood ee soo socda la arko
labadoodaba iyaga oo soomaali hogaaminayso oo ay madax ka yihiin.
FAAIIDADA KU JIRTA IN DADKA SOOMAALIYEED KU FEKERAAN OO U HALGAMAAN IN AY SHAN DAL OO GOBOLKA BARIGA AFRICA AH HOGAAMIYAAN !
Waxa la isweydiin karaa waa maxay faaiidada ku jirtaa in dadka
soomaaliyeed yeeshaan shan dal ? Waa Su'aal wanaagsan inkasta oo aad
looga fekero wada noolaansho iyo isdhexgal gobol iyo mid heer caalami ah
, haddana sida loogu nool yahay ama xaqiiqadu tahay Gobolka Bariga
Africa iyo Geeskaba waxa jira tartano siyaasadeed, nololeed , dhaqameed
oo ku dhisan isir iyo qoomiyado oo ka jira Gobolka Bariga Africa , kama
fursanayso in soomaalidu kaalinteeda ka ciyaarto.
Sidaasi oo jirta ayaa waxa aynu ka qiyaas qaadanaynaa midkee haddaba
suuragal ah in shantii soomaaliyeed hal dal isku noqoto iyo in
Somaliland na la aqoonsado labada dal ee Ethiopia iyo Kenya na lala
halgamo soomaalida ku nooli sidii ay kaalintooda hogaamineed ee wadamada
ay ka tirsan yihiin u qaadan lahaayeen, waxaana la gaadhayba xuligii ay
soomaalidu ka talin lahayd Bariga Africa sida aan qabo aragti ahaan
maadaama in badan kaalintoodaasi laga riixanayey .
Faaiidooyinka ay leedahay hadii Soomaalida oo shan dal oo Geeska
Africa ah hogaamisaa la helo waxa ka mid ah , maadaama oo danaha
dawladaha ay ku hoos jirto danaha dadka ku nool dalalku in dano
qoomiyadeed iyo is riix-riix jirayaa waa lagama maarmaan markaa waxa la
heli karaa ;
3 Dal oo soomaaliyeed oo wada galla ururka jaamacada Carabta
5 dal oo soomaaliyi hogaaminayso oo kawada mid noqda urur goboleedka bariga Africa ee IGAD.
5 dal oo ay soomaali hogaaminayso oo kawada mid noqda ururka midowga Africa ee AU .
5 dal oo ay soomaali hogaaminayso oo xubo ka noqda ururka caalamiga
ah ee jimciyada quruumaha ka dhaxaysa ee UN , waxaa ay xataa markasta
heli karaan in mid uga mid ahaato xubnaha joogtada ah .
GEBO-GEBO
Arimaha Somaliland iyo Somalia 29 sanadood waxa ay u xanibnaayeen
sidii Soomaaliya dawlad looga dhisi lahaa , Somaliland na ay u garba -
duubnayd oo caalamku la sugayey .
Sideedii sanadood ee u dambeeyey waxa la bilaabay wadahadalo lagu
kala aragti fog yahay oo dhawaana la iskula qaatay dalka Djibouti in la
joogteeyo , haseyeeshee u muuqda qaar aan midho dhali doonin marka aad
eegto halka la kala taagan yahay iyo sida loo kala fog yahay.
Xalka waxa aan u arkaa bal in xaga kale laga eego oo marka midnimada
loo qiil sameynayo waatan lagu sidkayo in danaha dadka soomaaliyeed ay
ku jirto e , doorkan la yidhaahdo waar bal danaha dadka soomaaliyeed ee
bariga Africa waxa ay ku jirtaa soomaalida Gobolka oo shan dawladood
hogaamisa , taasi oo lagu sii bilaabi karo in Jamhuuriyada Somaliland
aqoonsi caalamiya la siiyo si sadex dal oo soomaaliyeed oo walaalo ah oo
madax banaan loo hello , labada dal ee kale ee Gobolkana soomaalida ku
nool loogu dhiirigaliyo sidii ay hogaanka wadamadooda u noqon lahaayeen.
+252634429221
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...