Deni oo kulamo looga hadlayo amniga ka wado Qardho
Kulanka ayaa waxaa looga wada hadlay Amniga, horumarinta degmada

MadaxweynahaPuntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kulan la qaatay Nabadoonada iyo waxgaradka degmada Qardho ee Xarunta gobolka Karkaar.
Kulanka ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey maamulka gobolka Karkaar, kan degmada Qardho iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka..
Kulanka ayaa waxaa looga wada hadlay Amniga, horumarinta degmada iyo in biyo xireen loo sameeyo magaalada si looga gashaanto daadadka kusoo fataha magaalada ee u gaystey khasaaraha naf iyo duunyoba leh.
Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa tababar Magaalada Qardho ugu soo xiray Ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland,waxaana la filayaa in uu kulamada halkaasi kasii wado.
Loading...
Loading...


0 





