"Abaartu Iskama Timaado, Ee Sababo Keena Ayaa Jira" ... Sheekh Cismaan Cali Xuseen

0
Sunday April 14, 2019 - 08:13:44 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1663
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Abaartu Iskama Timaado, Ee Sababo Keena Ayaa Jira" ... Sheekh Cismaan Cali Xuseen

    Hargeysa (HWN)-Sheekh Cismaan Cali Xuseen oo ka mid ah culimada miisaanka leh ee dalka, ayaa ku baaqay in la isu naxaristo oo ay umaddu is caawilo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (HWN)-Sheekh Cismaan Cali Xuseen oo ka mid ah culimada miisaanka leh ee dalka, ayaa ku baaqay in la isu naxaristo oo ay umaddu is caawilo.

Sheekh Cismaan Cali Xuseen oo ugu horayn ka hadlaya abaarta ayaa yidhi "Abaartu iskama timaado, ee sababo keena ayaa jira, ee waxaa la inooga baahan yahay inaynu ALLE mar kasta barino, oo aynaan naxariistiisa ka quusan,waxaa la inooga baahan yahay inaynu cabsidiisa iyo baryadiisa badino, inaynu ka dheerano dulmiga, xaasidnimada, xumaanta, iyo wax walba oo ALLE inaga xarimay, waxaana inala gudboon inaynu mar walba dhaqankeena ku saleeyno sunaha Rasuulka Maxamed SCW, waxaana la inooga baahan yahay inaynu isku naxariisano, oo dadka baahan aynu wax tarno, oo aynu u gurmano dadka abaartu sida gaarka ah u taabatay, oo qof walba wixii awoodiisa ah inuu taro, ayaa loo baahan yahay, khayr, ajar iyo xasanaad baa inoogu jira,guud ahaan Dhalinyaradeena iyo Shacabkeenana waxaan leeyahay mar walba dhaqankeena aynu wanaajino, oo cibaadada aynu ilaalino, oo amarka uu ALLE ina siiyey aynu u hogaansano, Xukuumad, Ganacasto iyo Shacabana ha la caawiyo dadkaas baahan, ALLENA waxaynu ka baryeynaa inuu abaarta inaga dulqaado, oo uu roobkiisa iyo nimcadiisa uu inoo shubo,bishii Ramadaan ee khayr badnaydna wey inagu soo dhawday haddii ALLE idmo, ee dadkeena masaakiinta ah aynu caawinoā€¯



Sheekh Cismaan Cali Xuseen ayaa dhanka kale wuxuu talooyin u soo jeediyey guud ahaan Dhalinyarada, waxaanu ugu baaqay inay ilaaliyaan dhaqankooda, iyo diintooda, waxaanu uga digay dhaqamada xun ee aanu ALLE raalida ka ahayn, waxaanu wiilasha ugu baaqay in aanay timahooda u xiiran si aanay Diintu raali ka ahayn, waxaanu Hablaha ugu baaqay inay xidhaan dhar asturan, oo jidhkooda aan muujinayn.

Loading...
Loading...