Hogaamiyaha Milateriga Suudaan Oo Wacad Ku Maray Inuu 'Xididdada U Siibi Doono Maamulkii Hore'

0
Sunday April 14, 2019 - 08:04:49 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2491
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hogaamiyaha Milateriga Suudaan Oo Wacad Ku Maray Inuu 'Xididdada U Siibi Doono Maamulkii Hore'

    Hogaamiyaha golaha milateriga ku meelgaarka ah ee Suudaan ayaa waxa uu wacad ku maray inuu "xididdada u siibi doono maamulkii hore"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hogaamiyaha golaha milateriga ku meelgaarka ah ee Suudaan ayaa waxa uu wacad ku maray inuu "xididdada u siibi doono maamulkii hore" laba maalmood un kaddib markii uu dhacay afgambigii milateriga.


Isagoo ka hadlayay taleefishinka ayuu Janaraal Cabdulfataax Cabduraxmaan Burhaan ku dhawaaqay in dib loo qaabeyn doono hay'adaha qaranka, in la soo afjaray bandowga habeenkii iyo in la sii dayn doono maxaabiista siyaasadda u xiran.

Dibadbaxyada ayaa soconaya walow xilkii laga tuuray madaxweynihii dalkaasi mudada dheer maamulayay Cumar Xasan al-Bashiir.



Mudaaharaadayaasha ayaa waxa ay dalbadeen in si dhaqsiyaha xukunka loogu wareejiyo dadka rayidka ah iyo inay sii joogi doonaan waddooyinka.


Janaraal Burhaan oo badelay hogaamiyihii afgambigii Jimcaha, ayaa sidoo kale waxa uu kala diray dhamaan dowlad goboleedyadii waxa uuna codsaday in la dhowro xuquuqda aadanaha.


Milaterigu waxa uu ilaalin doonaa "nabadda, kala dambaynta iyo ammaanka" guud ahaan Suudaan inta lagu guda jiro waqtiga kala guurka ah taas oo ugu badnaan qaadan doonta laba sanadood ilaa laga qabanayo doorashooyin xukunkana rayidka loogu wareejinayo, ayuu ku daray.


Isagoo adeegsanaya erayo dejin ah ayuu Janaraal Burhaan waxa uu mucaardka ugu baaqay "inay gacan ka siiyaan dib u soo celinta noloshii caadiga aheyd", isagoo ballanqaaday inuu maxkamadeyn doono kuwii dilay dibadbaxayaasha, waxa uuna wacad ku maray inuu musuq maasuqa la dagaalami doono.


Khudbadda ayaa waxaa xigtay iscasilaadda madaxii ammaanka ee laga cabsan jiray Janaraal Saalax Gosh kaddib saacado un markii uu xilka banneeyay wasiirka Gaashaandhigga Cawad Ibnu Cowf.

Sabab rasmi ah lagama bixin iscasilaadooda.


Gelinkii dambe ee Sabtidii milateriga ayaa Janaraal Maxamed Xamdaan Dagalo u magacaabay inuu noqdo ku xigeenka Golaha Milateriga ee ku meelgaarka ah.


Muxuu mucaaradku sheegay?

Kooxaha mucaaradka ayaa la kulmay milateriga si ay uga wadaxaajoodaan "qorshaha ku meelgaarka ah".

Afhayeenka dibadbaxayaasha Maxamed Yuusuf al-Mustafa ayaa BBC-da u sheegay inay ku adkaysteen in si degdeg ah lagu dhiso xukuumad rayid ah, hasayeeshee xubno ka tirsan milateriga loo ogolaado doono inay qeyb ka noqdaan maamulka.


Sida uu ku warramayo website-ka Baj News ee gaarka loo leeyahay hogaamiyaha Xisbiga Kongareeska ee Suudaan ee mucaaradka ah, Cumar al-Digeyr, ayaa sheegay in xubnihii mucaaradka matalayay ay dalbadeen in la dhiso dowlad rayid ah "awoodeeduna ay u dhammeystiran tahay" iyo in rayidka ay xukunka sii hayaan mudada ku meelgaarka ah.

Waxa kale oo uu sheegay in milateriga ay ka sugayaan si ay ballanqaadeen in la sii daayo dibadbaxayaasha jeelasha ku jira.


Xiriirka Xirfadlayaasha Suudaan kaas oo soo abaabulayay dibadbaxyada ayaa waxa uu ugu baaqay milateriga "inuu xaqiijiyo in si degdeg ah uu awoodda ugu wareejiyo xukuumad rayid ah oo ku meelgaar ah."

Sidoo kale waxa ay ku baaqeen in dibadbaxyadu ay sii socdaan.


Dhibaaro dhaqaale oo sii kordhaysa ayaa dalka ku habsatay tan iyo markii ay 2011 ka go'day dalka intiisa kale qeybta koonfureed ee qaniga ku ah saliidda, afgambigii Khamiistiina waxa uu dhacay kaddib bilooyin ay socdeen deganaanshiyo la'aan ka dhalatay qiimaha oo sare u kacay.


BBC

Loading...
Loading...