Maxaa dila Kelyahaaaga? W/Q Hodan Ahmed
Waxaa aad usoo badanaayo dhalinyaro ka cabaneysa (Ka sheeganeysa) Kelyo xanunka .
Fadlan waxaan idinla wadaagayaa Arin muhiim ah dhamaantena na caawin doonta .
Maalmo ka hor waxaan Baraha bulshada ku arkay Somaali badan oo dhaqtar ujiifa kelyo xanun ama kelyihii inay fadhisteen (shaqo joojiyeen) . kuwaaso gargaar loo raadinaayo ama caawinaad .
Hadaba waxaan idin wadaa farin muhiimna ah hadi aad aragto farintaan la wadaag qofkasto walalkaaga ah , laga yaabo gudbintada inay badbado unoqoto qof kale .
Waxaan idinla wadaagaya 6 qodob ugu weyn ee sababi karta in kelyaha shaqo joojiyaan .
1- In laga daaho Musqusha (Suuliga) : wax badan oo aad kaadi haysta ku haysato kaadi badan ayaa sababi karta qatar badan , ka soomaali ahaan caado ayeyba ino tahay inan kaadida ceshano mudo badan ,
Hadaba ogow hadii kaadi-haysta ku raagto kaadi badan ay sababi karto in bakteeriyadda si dhaqsi ah ugu taranto kaadi-haysta , taaso sababi karta in tubooyinka kaadida dib ugu celiyaan , infekshan-na ka dhalan karro , ogowse kaadi waa sunta laso sifeeyey (Filtareeyey) loguna talagalay in jirka laga saaro .
2- Cunida Cusbo badan : Yareyso cunida cusbada badan hana cunin wax ka badan 5.8 Gram cusbo ah Maalintii
3- Cunida Hilib badan : Cunida cuno barotiin ku badan yahay waxay waxyeeleysaa/sababta qatarta xanuunada kelyaha , waayo cuntada barotiinka leh marka la dheefshiido waxah so deysaan maadada AMMONIA taaso sun ku ah kelyaha .
Hadi ay badan tahay hilib cunidaada qatar badan ayad ugu jirta keliyo xanunka .
4- Cabidda Biyo yar: Kelyahena waa in ay ahaadan kuwa aad u joogteeya fuuqcelinta si ay u joogteyso shaqadeeda , biyaha badan waxay ka caawiyaan in qulqulka dhiiga u kordho taaso sunta jirka ku jirta sahleyso in si dhasi leh loo saaro .
5- Caffeine - waa iskujirka cabitaanada fudud (Sodas & soft drinks) waayo waxay kordhiyaan cadaadiska dhiiga kelyaha-na waxay bilaabayaan in ay dagaalamaan , Marka jooji xadiga badan ee cabida kookada maalinkasta .
6- Daaweynta oo laga daaho : iska daawey xanunada cafimaad o dhan si jirkaaga fiyow qab udaremo
W/Q Hodan AhmedAFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!