Guddida Covid-19 Oo Shaaciyey Go'aamo Lagu Dabcinayo Xayiraadihii Ay Soo Rogeen

0
Sunday May 31, 2020 - 14:22:00 in News by
  • Visits: 1173
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddida Covid-19 Oo Shaaciyey Go'aamo Lagu Dabcinayo Xayiraadihii Ay Soo Rogeen

    Guddida Covid-19 Oo Shaaciyey Go'aamo Lagu Dabcinayo Xayiraadihii Ay Soo Rogeen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddida Covid-19 Oo Shaaciyey Go'aamo Lagu Dabcinayo Xayiraadihii Ay Soo Rogeen


1. GOOBAHA CIYAARAHA:



Goobaha Ciyaaraha (sida: Garoomada, Playgrounds, Jimicsiga) waa la furi karaa, balse waxa lagu amrayaa inay raacaan una hoggaansamaan dhammaanba Habraacyada loogu tala galay ka Hortaga COVID-19 (sida: kala fogaabshaha, faraxalka, af-saabka iyo gacmo gashiga). Hab-raacyadaa iyaga ah, marka hore Guddidu way hubin doontaa, ka bacdina dabagal baa lagu samayn doonaa.


2. GAADIIDKA DADWEYNAHA:


Dhammaan Gaadiidka Dadweynaha noocyadiisa kala duwan; sida: basaska rakaabka, tagaasida, tikta (bajaaj) ma jiraan wax iska bedelay go'aamadii ay Guddida COVID-19 hore u soo saartay, waxana ay ahaanayaan sidoodii hore ilaa 30-ka June 2020.


Sidoo kale, dhammaanba Gaadiidka Dadweynaha noocyadiisa kala duwan waxa lagu amrayaa in ay raacaan una hoggaansamaan dhammaanba Habraacyada loogu tala galay ka Hortaga COVID-19 (sida: kala fogaanshaha, af-saabka iyo gacmo gashiga). Hab-raacyadaa iyaga ah, marka hore Guddidu way hubin doontaa, ka bacdina dabagal baa lagu samayn doonaa.


3. MASAAJIDADA:


Dhammaan Masaajidada waxa lagu amrayaa in ay raacaan dhammaanba hab-raacyada loogu tala galay ka hortaga COVID-19 (sida: sijaajadaha, kala fogaabshaha, faraxalka, af-saabka iyo gacmo gashiga).

Hab-raacyadaa iyaga ah, marka hore Guddidu way hubin doontaa, ka bacdina dabagal ayaa lagu samayn doonaa. Sidoo kale, waxa xidhnaanaya Musqulaha iyo Goobaha weysada.


4. GOOBAHA SHAQADA & GANACSIGA:


Dhammaan Goobaha Shaqada iyo Ganacsiga waxa lagu amrayaa in ay raacaan dhammaanba Habraacyada loogu tala galay ka Hortaga COVID-19 (sIda: kala fogaabshaha, faraxalka, af-saabka iyo gacmo gashiga). Hab-raacyadaa iyaga ah, marka hore Guddidu way hubin doontaa, ka bacdina dabagal baa lagu samayn doonaa.


5. DUULIMAADYADA DIYAARADAHA:


Duulimaadyada Diyaaradaha, kuwa ku socda iyo kuwa ka imanayaba, ma jiraan wax iska bedelay go'aamadii Guddida heer Qaran ee COVID-19 ay hore u soo saartay, waxayna ahaanayaan sidoodii ilaa 30-ka June 2020.


6. ISU-IMAATINKA BULSHADA:


Waxa gebi ahaanba reeban (mamnuuc ah) isu-imaatinka iyo isu-soo-ururka bulshada nooc kasta oo uu yahayba, wax ka badan 10 qof (oo raacaya habraacyada loogu tala galay ka hortaga COVID-19, sIda: kala fogaabshaha, faraxalka, af-saabka iyo gacmo gashiga). Wixii laga maarmi waayo, waxa ogolaansho Qoraal ah laga qaadanayaa Guddida Heer Qaran ee Ka hortagga iyo maaraynta Xanuunka COVID-19.


ALLAA MAHAD LEH

Guddida Heer Qaran ee Covid-19

Loading...
Loading...