27 May Maalintii Dhalan-Rogtey Taariikhda Geeska: 31 May, iyo Hargeysa(Q5)

0
Sunday May 31, 2020 - 14:06:41 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1802
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    27 May Maalintii Dhalan-Rogtey Taariikhda Geeska: 31 May, iyo Hargeysa(Q5)

    Lasoco qeybaha 6aad ee dagaalkii Hargeysa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Lasoco qeybaha 6aad ee dagaalkii Hargeysa.

 

Waa maalin kale oo iftiinkii halganku ka bilaabmey magaalada Hargeysa, waa maalin tilmaaneyd oo aad loo sugayey. Marka ay umadda reer Hargeysa ku tooseen 2:00 AM.

 

Hadaba aynu wada dhugano sidey xaalku ahaa, inteynaan galin habeenkii 31 May iyo gudagalkii Hargeysa.

 

Hawl galkii Hargeysa way ka duwaneyd shaxdii lagu galay Burco iyo aaga Cadaaley, sababahan soo socda:

 

@ qorshihii lagu qaatey Kaam Abokor, ee ahaa in la qaato Plan A oo ahaa, in Berbera la qabsado, horaanta bisha May, kaas fishilan. Plan B waxa uu ahaa in lagalo Burco laguna xigsiiyo Cadaadley kadibna Hargeysa…waana kii Kaam Abokor lagu gudoonsadey.

 

Waxa xusid mudan in kanina fashilmey, iyadoo noqotey Ciyow waa ka baryey. Taas oo Axmed Mire qaatey Plan C oo ah in ciidankii aaga Madiina ee Bariga inta uu is heysto horseed u noqdo ciidamada kale.

 

(b) waxa la gudoonsadey in ciidan sadex aag ka koobani noqdaan, kuwa galaya Hargeysa. Waxaaney kala ahaayeen sidan:

 

Guutada 4aad(Sayid Cumar) dhanka galbeed. Guutada Sancaani aaga dhexe, labadan aagi waxay ku jiheysnaayeen in ay ka dagaal galaan, taliska 26aad ee loo yaqaaney Qeybta iyo Burjeex.

 

Ciidankii Galey Cadaadley ee Sayid Cali, Barkhad(3aad) oo iyana u qorsheysnaa in ay galaan Aiport-ka, xerada 24 aad ee kabka, 11 aad dabacadaada ee taangiyada, xerada loo yaqaan Soodaanta, iyo Gantaalaha oo u dhawaa Naasa-Hablood.

 

Waxa iyana jirey Guutadii 5aad oo loo qeybiyey difaaca Gaas 1aad ee galbeedka waxana madax ka ahaa, Mahdi Cali Faarax. Iyo guuto uu watey Maxamed-Cali oo loo qeybiyey Hargeysa iyo Berbera ilaa Cadaadley in uu arbush ka galo

 

Si kastaba ha ahaatee gulufkan waxa madax looga dhigey Ibraahim Dhagaweyne, waxa la sheegaa in taliska iyana ku jireen raxan saraakiil ah, sida C. Raxmaan Aw Cali(Tolwaa), C. Raxman Xuusho, Dayib Gurey, C. Lahi Askar, Muuse Biixi.

 

Nasiib darro markii ciidankii la jaanqaadi waayey in sidii balanku ahaa in isku mar Burco iyo Hargeysa lawada galo. Ayaa durtaba waxaa soo if-baxdey ismaandhaaf iyo waliba kala shaki


ciidamadii soo kala dhex galey. Taliskii guudna uu u caal waayey. Taas oo suaal adag ku noqotey, sababta loo fadhiyo meel taakuleyn iyo saad toona lagu fileyn, xili Burco dagaal culusi ka socdo, cadawgiina dhinac kasta kaga goobteen!!!

 

Isla maalintaa markii lagu kala kacey shir mudo kooban socdey oo si cadho leh, loo wada hadley. Hadalo taariikhda galayna laga guntey. Sida hadii wiilashiinii dab-ka galiseen kuwayagu ma galayaan....... waa kuma ninkaasi dib ugu noqo qeybtii koowaad.

 

Yeelkeedee, waxa ay goosteen in ciidankii Xuseen Ahmed Guuleed iyo Guutadii Maxamed-Cali iyo Urur Ciidankii Sancaani ahaa, madaxna uu ka ahaa Mahdi Cali Khaliif, in ay baxaan, kuna dagaal galaan shaxdii Plan B ee aheyd Cadaadley, kadibna Berbera.

 

Halkaas waxa ku hawl gabey taliskii guud, waxaana awoodi gacanta u gashey, taliyayaashii guutooyink. Halkaas oo dagaalka loo galay qaab dhoobo eri ah.

 

Marka halkaas mareyso waxa meel la isugu geeyey guutadii Sayid cumar iyo Sancaani tuulo la yidhaa Bali-Samatar,iyaga oo horeba isku waajib dagaal ah, sida ku xusneyd Plan B gii Kaam Abokor lagu qaatey.

 

Hadaba yaa kala watey labada guuto ee Hargeysa galey geesteeda galbeed.

 

 

 

Guutada Sayid Cumar...

 

1: Maxamed cilmi samatar taliye.

2:Gacma dheere oo ka mid ahaa sahankii, Hargeysa kasoo laabtey. 3:Cali guray se ahaa sahankii Hargeysa kasoo laabtey.

4:Cabdilahi Cuud. 5:Aadan dhamac

 

Guutada sancaani.....

 

1: Taliye Maxamud Haybe galey birjeex ku dhintay xafada loogu magac daray 2: 1: Adan Abdi Abyan (Adan Ade)

3 Maxamud Ibrahim Weerar

4: ina Cali Iska-Toos Alif doon . 5: Maxamed koosar

6: Cabdi cali mahdi

7 : Yusuf Cabdi Cali gadhle oo ka mid ahaa sahankii Hargeysa kasoo noqdey. 8:Xasan ganey oo tignikada ka mid ahaa.

9: Cabdi dheere.

10: Cabdi giire


Waxa iyana jirey ciidan markii dambe loo reebey jid-goyn oo uu watey Axmed Dhagax oo subixii dambe soo gaadhey Hargeysa.

 

Hubkeey wateen waxa uu dhamaa ilaa 11 tikniko ah ay ka mid ahaayeen gaadhi Fiat Saysay oo Zu ah, 2 Bay-Bay, 2 P10(kootara-Kaare), dhuumo Garaambi ah. Ciidan ahaana waxa ay gaadhayeen ilaa 1300 nin.

 

Hadaba sahankii Hargeysa tagey walow 5 maalmood maqnaayeen wax buuran umey soo qabsoomin, ciidankii la isku haleynayey ee saraakiisha lahaana ee gudaha joogeyna, sabab ay aheydba lama helin. Tani waa tilmaan muujineysa in ay aad u hooseysay heerka sirdoon, iyo xijinta xogaha xasaasiga ah ee ciidanka. Marka la barbar dhigo Burco oo ciidamo badan SNM ta isla subixiiba ku biireen sida kuwii madaafiicda.

 

Lasoco qeybaha 6aad ee dagaalkii Hargeysa.[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...