'' Taariikhda Cid Aan La Aqoon Ayaa Samaysa ''.

0
Sunday May 31, 2020 - 08:53:40 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1653
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' Taariikhda Cid Aan La Aqoon Ayaa Samaysa ''.

    W/Q: Ahmed Nour Guruje

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Ahmed Nour Guruje

Sanadkii 1941 markii Jarmalku halakeeyey Ruushku nin la odhan jirey Sorge ayaa jabaanka uga soo diray in aan jabaanku Ruushka kusoo duulaynin sidaa darteed uu jarmalka uun iska caabiyo , sidaa darteed ruushku isagoo fursadaa ka faaidaysanaya ayuu ciidamadiisii joogay bariga ruushka usoo wareejiyay Moosko , hadii aanu warkaas helin jarmulku wuxuu qabsanlahaa Ruushka , ninkaas ayaana badbaadiyey ,hassa yeeshee waxaa la aqoonsaday guushiisa 1964 oo lasiiyey bilad isagoo mootan .

 

Kacaankii Ruushka ka dhacay 1905 , Lenin iyo saaxiibadii waxay joogeen Swizerland , hassa yeeshee dad baa aragtidoo fuliyey oo boqortooyadii ruushka riday , hassa yeeshee cidina ma xasuusna guusha Lenin ayuunbaa la siiyaa , waase dhacdo aan ugub ahayn .

 

Dhinaca Snm guulaha ugu waawayn waxaa sabab u ahaa dhalinyaradii snm ee sooma jeestayaasha ahaa , hasa yeeshee magacyadda saraakiisha ayaa la xusaa inta badan .

 

Tusaale , ninka halkan igula sawiran magaciisa waxaa la yidhaahdaa Shabac koosaar dhuule , wuxuuu ku biiray snm 1982 , waxaanu ka mid ahaa dadkii ugu horeeyey ee galay tababarkii baabuli , waxa kale oo uu ka mid noqday ururkii hawl-galadda gaarka ah ee harag-waafi ee fulin jirey gaadmooyinka khatarta ah .

 

Dhinaca kale , wuxuu ka mid ahaa dhalinyaradii baratay hubka teknikadda ee aadka ugu dagaalami jirtay , waxaanu ka qayb galay inta badan dagaaladii snm , sidda hawlagadii xuduudka , Geed-balaadh ilaa bali-dheeg 1983-1988 .

 

Geesta kale , shabac ilaa imika waa ragga aan nasan ee shaqeeya ee sidaa idiin muuqata weli dirayskii xidhan , waxaanu ahaa mudooyinkii ugu danbeeyey Taliyaha hawl-gelinta qaybta

31 aad ee ciidanka Qaranka , waxaanu door firfircoon ku lahaa guulihii ciidankiisu gaadheen beryihii dhawayd oo aad loogu amaanay , hassa yeeshee saraakiishii la xusay 18-may 2020 kuma aanu jirin , biladihii la bixiyeyna lama siinin , waxaana la midda saaxiibadii , Xasan geney , Axmed koosaar( siilaanyo) , Baashe fanax oo dhamaantood soo halgamayay ilaa 1982 ilaa maanta , kuwaasoo dhamaantood aan la xusin ,sideedabana taariikhda cid aan la aqoon ayaa samaysa .

 

W/Q: Ahmed Nour Guruje


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...