Waa Maxay Sababta Ay Goleyaal Wadda Mudo Dhaafay Inoo Hor Fadhiyaan?

0
Saturday May 30, 2020 - 21:33:58 in Articles by
  • Visits: 943
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa Maxay Sababta Ay Goleyaal Wadda Mudo Dhaafay Inoo Hor Fadhiyaan?

    Waa Maxay Sababta Ay Goleyaal Wadda Mudo Dhaafay Inoo Hor Fadhiyaan?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa Maxay Sababta Ay Goleyaal Wadda Mudo Dhaafay Inoo Hor Fadhiyaan?



Xildhibaanada goleyaasha deegaanada , wakiilada iyo Guurtida Somaliland dhamaantood Waa wada mudo dhaaf , waa dadkii shacbiga metalayey ee umadda u shaqeyn lahaa , waxa ay meesha ku yimaadeen sharci , sharciga in ay ixtiraamaan oo umadda ka xishoodaan bay ahayd oo ay kuraasida baneeyaan , isla markaana aanay iyagu doorashooyinka caqabad ku noqoninin , oo aanay raadsan qiil mudo kordhin.



Dalka Jamhuuriyada Somaliland wali iskuma soo gaadhaan goleyaasha qaranka iyo xukuumada oo ku wada jira mudo xileedyadoodii rasmiga ahaa , tani waxa ay ragaad iyo raaf dilaac ku tahay nidaamkii dimuqaradiga ahaa dalku qaatay , kaasi oo niyad jab iyo rajo beel ku abuuraya shacbiga Somaliland .


Hadii aynu joogtayn lahayn doorashooyinka oo doorasho waliba xiligeedii ku dhici lahayd marka laga soo bilaabo 31-May-2001 markii dastuurka loo codeeyey maanta golihii Guurtida ee imisaad ayaa fadhiyi lahaa ee codka shacabka kursiga ku fadhiya , Golihii wakiilada ee imisaad ayaa fadhiyi lahaa ee dadwayne doorto , goleyaashii deegaanada ee imisaad ayaa joogi lahaa , madaxweynihii imisaad ayaa fadhiyi lahaa ?


Is riix-riixa doorashooyinka iyo mudo kordhinta aan duruufaha shuruucda dalka iyo xeerarku tilmaamin waxa ay rajadii ka dileen kumayaal muwaadiniin ah oo han iyo hmilooyin hogaamineed lahaa , xaqna u lahaa in loo ilaaliyo nidaamka si ay fursad ugu helaan ka qayb galka talada dalka , arimahani waxa ay culays iyo fashil ku yihiin dalka waana meelaha uu ka dhaqaaqi laayahay.


Muwaadin dalkan adigaa leh waa in aad ka damqataa wax kasta oo dalka xumeynaya, ma jirto sabab ay inoo maamulaan ama kuraasida isaga fadhiyaan goleyaal wada mudo dhaafay, waxa uu dastuurka qaranka Jamhuuriyada Somaliland dhigayaa dastuurka Jamhuuriyada Somaliland qodobkiisa 1aad faqradiisa labaad awooda iyo karaamada qaranka waxa leh shacbiga waxaana uu u adeegsanayaa si waafaqsan dastuurka iyo xeerarka kale .


Ku dhaqanka dastuurka iyo xeerarka dalku waa hiilka shacbiga iyo guud ahaan qarankaba , sababta oo ah xuquuqihii iyo xoriyaatkii muwaadinka oo dhan waxa damaanad qaaday dastuurka Jamhuuriyada Somaliland , waa ayaan daro in laga adeegsado shuruucda inta dadka wax lagaga doonayo ama lagula dagaalamayo oo kaliya xukuumada iyo goleyaasha aanay isticmaalin ama ay ka qaataan inta ay ku ilaashadaan maslaxadooda kaliya.


Muwaadin dadku waa aniga iyo adiga oo isku dan iyo isku duruuf ah , ma jirto sabab aynu usii daawano foolxumo iyo ku ciyaarista mustaqbalka dalka , maanta waxaasi oo dhami May dhaceen hadii shacbiga lagu og yahay dad soo jeeda oo xisaab tamaya , la Inama qaybiyeen , dadka indheer garadka ahi may hiil waayeen , dhalinyaradeenu dalka kamay yaaceen , waxa aynu abuuri karnaa in dadkeenu noqdo ka ugu hodansan aduunka dalkeenuna noqdo ka ugu khayraadka badan , oo isaga ayaa loo soo shaqo tagi doonaa ee fadhiga halaga kaco.


Wali ma isweydiisay sababta qof aan dantaada wadin aad kursiga ugu ilaalinaysid , mase og tahay in si dadban laguu haysto oo aan la ogolayn in aad xorowdo oo aad xisaabtanto , waxa ay xukuumada iyo goleyaasha qaranku gacmaha ku hayaan waa waxii aynu wada lahayn dhamaantoodna waa adeegayaal aynu inagu ( shacbiga ) shaqo siinay oo ay ahayd in ay inoo adeegaan , xoog la inaguma haysto laakiin xeelado kale oo badan ayaa shacbiga la isaga jeediyaa..


Wake up my people
Muxamed Dhimbiil

#Baaqshacab

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...