"Faysal Cidna Kama Sheegan Karo Somaliland, Axmed Karaashna Kama Qaadi Karo…."Siyaasi Cali Guray

0
Saturday May 30, 2020 - 18:51:11 in News by
  • Visits: 3839
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Faysal Cidna Kama Sheegan Karo Somaliland, Axmed Karaashna Kama Qaadi Karo…."Siyaasi Cali Guray

    "Faysal Cidna Kama Sheegan Karo Somaliland, Axmed Karaashna Kama Qaadi Karo…."Siyaasi Cali Guray

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Faysal Cidna Kama Sheegan Karo Somaliland, Axmed Karaashna Kama Qaadi Karo…."Siyaasi Cali Guray



Hargeysa(HWN):-Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf(Cali Guray) ayaa ka hadlay dhawaaqii ka soo yeedhay gudoomiyaha Ucid ee uu ku aflagaadeeyey siyaasiyiinta Dhulbahante ee ku kala sugan Somaliland iyo Puntland.



Siyaasi Cali Guray ayaa qoraal uu baahiyey waxa uu ku sheegay inaanu Faysal Cali Waraabe cidna ka sheegan Karin somaliland, waxaanu ku bilaabay qoraalkiisa "Horta Somaliland waa muruqii laba suul ee la yidhi ninba waa ku si. Hadda ogaada haday Faysal si ku tahay anigana si kalaabay igu tahay oo aan ahayn sida ay Faysal ku tahaye. Xagayga Faysal iyo Axmed Karaash waa laba muwaadin oo xaq ahaan u siman Somaliland waa marka dastuurka Somaliland loo noqdo eh.”


Cali Guray Oo Hablaha Habar-jeclo Caayey

Siyaasi Cali Guray oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey "Baashe barlamanka Somaliland labadiisa aqal ee muddo xileedyadoodii quufla ay dhamaadeen hadana iskaga sii fadhiya kuraasida oo tiro ahaan dhan 164 xubnood ayuun buu isaguna mid ka yahay. Haduu Faysal Baashe sheegay oo Gudoomiyaha Wakiilada ah Saleebaan oo Gudoomiyaha Guurtida ahna waayo? Isaga ayaaba weli hor fadhiya gole markii ugu dambaysay Shirbeeleed lagu doortay 1997kii eh.”


Cali Guray oo ka hadlaya wakhtigii sharci ahaan la dooran lahaa golaha guurtida ayaa waxa uu yidhi "Sharcigu wuxu dhigayay in doorashada guurtidu ay sanad ka dambayso doorashada wakiiladii iyaga lala doortay wakhtigaasi. Wakiilada waxa la doortay 2005fii guurtidu waxay markaa ahayd inay sanad ka dambayso oo la doorto 2006.


Lama dooran sharcigiina waa lagu tuntay oo waxa sharci looga dhigay wakiiladii doorashada tooska ahayd ku yimi in la yidhaa sanad bay ka dambaynayaan waana sharci darro. Markaa waa gef iyo eex hadii la doono qabyaaladaysan waxa uu labada gudoomiye midna u dhaleeceeyo midna aanu u soo qaadin.”


Siyaasi Cali Guray ayaa meesha ka saaray in Faysal Cali Waraabe uu Axmed Karaash ka sheegan karo somaliland-nimada "Axmed Karaash iyo sheekada Puntland oo faragelin loo qaadan karo marka meel la iska dhigo, Faysal ma isaga ayaa Axmed Karaash ka qaaday ama ka qaadi kara jinsiyadda Somaliland iyo xaqiisa muwaadinnimo? Faan waynaa!


Faysal hadalkiisa markuu maagayay Axmed Karaash iyo Guddoomiyaha Wakiilada ee Somaliland waxa ku jirtay ANAGA. Halkaa waxa ka furan idinka oo ayo ah? Jawaabtu ma anaga oo Isaaq ah baa? Anigu qof ahaan sidaas ayaan u fahmay? Markaa lafteeda ayuu Faysal qaldan yahay oo ma jirto Isaaq cid uu Somaliland ka leeyahay oo marti ugu ah marka ay tahay beelaha wada deggan Somaliland. Mana jiro Isaaq uu Faysal wakiil ka yahay uu codkooda isagu ku hadli karaaye isaga ayuun buu hadalku la taraaray.

Loading...
Loading...