Xukuumada Oo Ka Hadashay Dhalinyaro Ka Tirsanayd Shaqo Qaran Oo Laga Ruqseeyey Ciidanka

0
Saturday May 30, 2020 - 18:18:09 in News by
  • Visits: 2656
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada Oo Ka Hadashay Dhalinyaro Ka Tirsanayd Shaqo Qaran Oo Laga Ruqseeyey Ciidanka

    Xukuumada Oo Ka Hadashay Dhalinyaro Ka Tirsanayd Shaqo Qaran Oo Laga Ruqseeyey Ciidanka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumada Oo Ka Hadashay Dhalinyaro Ka Tirsanayd Shaqo Qaran Oo Laga Ruqseeyey Ciidanka

Hargeysa(HWN):-Xukuumada somaliland ayaa shaacisay dhalinyaro laga ruqseeyey ciidamada qaranka ooh ore uga tirsanaa barnaamijka shaqo qaran.

Daawo Agaasimaha Guud Ee Shaqo Qaran Md. Maxamed Xuseen Cismaan ...


Agaasimaha barnaamijka shaqo qaran Maxamed Xuseen Mu’adinka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dhalinyaro laga ruqseeyey ciidanka qaranka ay qaarkood ka tirsanaayeen balse waxa uu ka gaabsaday inuu soo bandhigo sababaha keenay in la ruqseeyo.


Agaasime Mu’adinkak oo ka hadlaya dhalinyaradan laga ruqseeyey ciidanka ayaa waxa uu yidhi "Dhalinyaradaasi anaga waxay naga wareegeen todoba bilood ka hor waxaanay ku biireen ciidamada, qofkuna marka uu ciidanka ku biiro sharciga ciidanka ayaa qabanaya haday anshax marin tahay iyo haday arin kalaba tahay, xogogaalna hoos uguma sii ahi laakiin waan arkay dhalinyaradaas la ruqseeyey oo tiradoodu tahay 10 laakiin shaqo qaran waxa ka tirsanaa 7.”


Agaasimaha barnaamijka shaqo qaran Mu’adinka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey "Asbaabaha lagu ruqseeyey ciidanka ayaa ka war haya, qofkuna shaqo qaran haku jiro ama shacabka kale ha ahaadee qof kasta wuu qabanaya wixii xeer yaalaa, markaa xogogaal uma ihi kiiskooda oo kama warami karo inuu cadaalad ahaa iyo in kale laakiin xeerka ciidanka ayuunbaa ka jawaabaya.”


Loading...
Loading...