Golaha Amaanka Oo Mudo Kordhin U Sameeyey Ciidanka Amisom Ee Soomaaliya Ku Sugan

0
Saturday May 30, 2020 - 17:33:50 in News by
  • Visits: 1281
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Amaanka Oo Mudo Kordhin U Sameeyey Ciidanka Amisom Ee Soomaaliya Ku Sugan

    Golaha Amaanka Oo Mudo Kordhin U Sameeyey Ciidanka Amisom Ee Soomaaliya Ku Sugan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Golaha Amaanka Oo Mudo Kordhin U Sameeyey Ciidanka Amisom Ee Soomaaliya Ku Sugan

Muqdisho(HWN):-Golaha amaanka ee qaramada midoobay ayaa kordhiyey mudada ay ciidamada Amisom ee ka socda midawga Afrika ay ka sii hawl gali doonaan soomaaliya.




Shirka golaha amaanka oo ku qabsoomay habka Zoom ee maqal iyo muuqaalka ah ayaa lagu go’aamiyey in ciidamada Amisom ee midawga Afrika ay ku sii sugnaan karaan soomaaliya mudo sagaal bilood oo kale ah.


Qaraar tirsigiisu ahaa 2520 ayaa la hor dhigay kulanka Golaha Ammaanka, kaas oo ka hadlayay sii joogitaanka ciidamada AMISOM ee gudaha Soomaaliya, waxaana go’aankaas u codeeyey 15-ka xubnood.


Ciidamada Amisom ee ku sugan dalka soomaaliya ayaa tiradoodu gaadhaysaa 20,000 oo askari, waxuuna qararkan loogu sameeyay waqti kordhintu uu qeexayaa inay dalka ka bixi doonaan sanadka soo socda ee 2021-ka.


Kulkii shalay ee Golaha Ammaanka, waxaa laga sheegay in mudadaas sagaalka bilood ah ay howlgalka AMISOM hor yaallaan qorshayaal badan oo ay ka mid yihiin in dib u habeyn buuxda ay ku sameeyaan howlaha lagu taageerayo qorshaha kala-guurka oo ay soo hoos gelayaan howlo ay ugu muhiimsantahay ka caawinta ciidamada xoogga Soomaaliya ee hanashada amniga Qaranka.


Goaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey wuxuu kulankaas uga dhawaaqay inay muhiim tahay in baahi weyn looqabo, isla markaana ay muhiim tahay in deg deg loo bilaabo is kaashi buuxa oo dhex mara dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah.


Golaha ayaa dhinacyada siyaasadda Soomaaliya ugu yeeray inay horumar dheeri ah ka sameeyaan xilliga kala guurka, isagoo ku booriyay inay qaadaan tillaabo la taaban karo oo ay kamid yihiin, gaaritaanka go’aan siyaasadeed oo loo wada dhan yahay.


Loading...
Loading...