Golaha Guurtida Somaliland Oo Layskugu Yeedhay Kal-fadhigii 72aad

0
Saturday May 30, 2020 - 16:58:30 in News by
  • Visits: 2295
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Guurtida Somaliland Oo Layskugu Yeedhay Kal-fadhigii 72aad

    Golaha Guurtida Somaliland Oo Layskugu Yeedhay Kal-fadhigii 72aad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Golaha Guurtida Somaliland Oo Layskugu Yeedhay Kal-fadhigii 72aad


Hargeysa(HWN):-Xoghayaha guud ee Golaha Guurtida Somaliland Garyaqaan Cabdinaasir Aaden Beegsi ayaa ku Wargaliyay Mudanayaasha Golaha Guurtida in kalfadhigii 72aad ee Golaha Guurtida oo furmi lahaa 31 bishan dib loo dhigay.

Golaha Guurtida Oo Muddo Kordhin 2 Sanno Ah U Sameeyay Golaha ...


Sidaan waxa lagu Sheegay Warsxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Xoghayaha guud ee Golaha Guurtida.waxaana uu u dhignaa sidan.


War-gelin: mudanayaal,sida aad ogtihiinba waxa maanta oo ay bishu tahay :30/05/2020 dhamaaday fasixii Golaha Guurtida iyadoo kalfadhigii 72aad ee Golaha Guurtida jsl furmi lahaa 31/05/2020.


Mudanayaal: idinkoo ogsoon xaalada dalka ee xanuunka covid 19 & saamaynta uu ku yeeshay hab-sami u socodka hawlaha shaqo ee dowlada & guud ahaanba dalka, sidaas awgeed suurto galmaaha in uu furmo xilligan kal-fadhiga 72aad ee G/Guurtidu, asbaabahaa caafimaad ee jira awgood.


Sidaas darteed waxaa lagu war-gelinayaa dhamaan mudanayaasha inay heegan u ahaadaan furitaanka kal-fadhiga 72aad ee Golaha Guurtidda oo dib loo dhigay ilaa amar danbe.


No photo description available.

Loading...
Loading...