27 May Maalintii Dhalan-Rogtey Taariikhda Geeska: Q4aad( Ciidankii Cadaadley Oo Hargeysa Iyo Burco Ku Kala Biirey)

0
Saturday May 30, 2020 - 09:55:39 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1526
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    27 May Maalintii Dhalan-Rogtey Taariikhda Geeska: Q4aad( Ciidankii Cadaadley Oo Hargeysa Iyo Burco Ku Kala Biirey)

    W/Q: Maxamuud Biixi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Maxamuud Biixi

…..waxa laga soo laabatey Mandheera waxa ciidankii kusoo laabtey fadhiisinkoodii Cadaadley. Waxa durtaba bilaabmatey doodo is dhaafsan, oo is laanqeyreynaya. Waxaana ka mid ahaa:

 

@ Waraaq mar labaad Hargeysa ka timid oo leh, hadii aydaan nagu soo gaadhin 48 saacadood, wey adkaaneysaa sidii aanu Hargeysa ugu sii nagaan laheyn!!!!!

 

(b) Sidii loo hirgalin lahaa xogihii laga keeney Berbera oo dhameystirin. Iyo awoodii ciidan ee Oodweyne sidii halistaas loo qaadi lahaa, ee military ahaan iyo bulsho ahaanba halis joogto ah.

 

Goobta waxa jooga oo aqoon milatari lahaa, aad bey u yaraayeen, marka laga reebo, Xuseen Dheere, Maxamed-Cali iyo Cabdilahi Biixi Odey(Saajin-Godhgodh).

 

Intaas ka dib waxa la shiriyey ciidanwaynihii, loona sheegey talaabooyinka furan, eek ala ah, sii hirgalinta qorshihii lagu socdey, Oodweyne-na lagu daro.

 

Waxa la istusey hadii ay ciidanku hadii uu ka guuro Cadaadley, waxa lawaayayaa, taakuleynta joogtada ah ee Burco u socota, iyo todobaadlaha ah ee Hargeysa qabata.

 

Markii taladii ciidanka la dhex-dhigey, waxa hadalkii boobey saraakiishii yaryareyd ee aadka u firfircooneyd, sida Muxsin Aw-Cali, Janan-Oogo, Xidhibaan Cabdirahmaan dheere, in Hargeysa loo guuro oo Berbera laga baaqdo. Sababo ay ku sheegeen waa meel aanan arag, aadna u kulul, cidna aanan ka garaneyn.

 

Waxa markale Xuseen iyo Maxamed-Cali ay dhalinyartii tuseen, in ciidanku hada yeeshey khibrad dagaal, dhismey. Aaga udub dhaxaadka ah, ee taakuleyn bixin karana ay yihiin, hadii Berbera laqabsadana, ay suurtoobeyso in dagaalka aynu ku adkaano, walibana mawqifkeena siyaasiga ama gor-gortankeenu uu noqon doono, mid aad tixgalin weyn hela. Taasbeynu Hargeysa lafteeda wax loogu tari karaa.

 

Dhagba jalaq looma siin, waxa loo diyaar garoobey geedi Hargeysa, iyadoo iska caadi aheyd, jabhada in muran siyaasi ah ragaadiyey, oo ilaa askarta wasakheeyey.

 

Talo ku cadaatey Saraakiishii, guushuu u muuqateyna, dib usoo guratey, waxay noqtey in ay ku raacaan,askarta. Khaladkaa taariikhiga ahina(strategic failure) inagu qaatey saxidiisu ilaa 1991- kii, sidii qorshihii Ahmed Mire ee 1986-kii sameeyeyna sheegeyna noqdey, hadii Berbera la qabto dalku waa xoroobayaa.


Maxamed-Cali iyo ciidankii badh kamid ahi waxey u boqoleen Burco, halkaas oo maalmo ka dib, qorshihii ahaa Oodweyne in lagalo uu dagaal 18 saacadoo socdey oo la isla yaacayey, xataa diyaarado Siyaad Barre adeegsadey, kuna Shahiidey Maxamed-Cali cadawga lagu burbushey.

 

Waxa hodanti ah, in afkooda ka qaadey ragii dagaalkaas ku jirey in waxaan dhameyn 6 baabuuri ka bad-baadin, wax laqabtey iyo wax lagubey ayeey noqdeen. Xataa laba bas oo waaweyn oo xaasaskii saraakiisha faqashta sidey, waxa gubtey diyaaradihii Xukuumada.

 

Waxa Xuseen Dheere bilaabey waxii laqaadan karayey hubka mooyee, waxii kale in shacabka loo furo oo la hubeeyo, hadii ay faqashtu soo laabato si, shacabku isku difaaco. Hubkaas oo gaadhey min Bali-Gubadle ilaa Xaaji Saalax inta ka dhaxeysa.

 

Talaabadani waxay noqotey, tii ugu horeysay ee dadweynahu halganka hubeysan, ay mayalka u qabteen, iyo waa mar-labaade ay keentey, dheelitir military oo dabooli kara, ciidamada hubeysan ee laga sameeyey xeryihii qaxoontiga ee aaga ka dhawaa, kuwaasoo ahaa.

Sabacd(Aw-Barkhadle), Adhi-Cadeys(Dacar-Budhuq) Bixin iyo Biyaley Berbera iyo Sheekh dhexdooda. Waxa lagu qiyaasey dadka qaxootiga ahaa, oo ka koobnaa sagaal xero, ilaa 600 kun, oo kuba dhow shacabka SL ee xiligaas, magaalooyinka ku dhaqnaa.

 

Durtaba waxa bilaabmatey, duqeyn isdaba joog ah, oo diyaarado ay wadaan duuliyayaal ajaanib ah, kuwaas oo naafeeyey isu socodkii maalinimo ee ka baxayey Cadaaley una socdey Burco iyo Hargeysa, taasoo sababtey in goobo ka mid ah keydkii rasaasta(carmiska) ay gubeen.

 

11-kii June, Waxa Xuseen Dheere, ku taliyey in la baxo habeen. Laakiin caadifadii ciidanka ayaa ka xoog-badatey. Waxey soo dhaqaaqeen hadh cad, halkaasoo sidii injir bacad la dhigey, markey marayeen deegaanka la yidhaa Carmadda ee ilaa 30 KM u jirta Hargeysa, dhawr diyaaradood isu badaleen.

 

Goobtaas khasaare weyn baa kasoo gaadhey ciidankii SNM, gaadiid, madaafiic, sahey intaba waa lagaga gubey, waxaa goobtii ooli jirey, gaadhi fiat TM oo jiidayey madfac M-30 ah, Fiat BG saanad culus sidey, Nissan UD abu qashaafad ah, Booyad shidaal ah.

 

Waxa iyana goobtaa ku shahiidey hal askari oo goobtaas lagu xabaaley. Isla habeenkiiba ciiidankii waxii u hadhey, waxay raaceen waddo ay sameysteen gaadiidka lagu guri-jirey Nuurada, loona yaqaaney Waddo-Marraaq.

 

12 June Xuseen Dheere iyo Ciidankoodii waxay gaadheen Hargeysa, waxa ay dageen goob aad ugu dhoow Hargeysa wax badan-na ka durgsaneyn Naasa-Hablood.

 

Halkaasna waxa uu ciidankaasi ka sameeyey hawlgalkii ugu weynaa ee ka dhacay gudaha Hargeysa, intii ka dambeysay habeenkii 31 May. Lasoco qeybta 5aad

 

W/Q: Maxamuud Biixi........... [email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...