Soo Galistii SNM Ee Hargeisa 31-May-1988 Iyo Xasuustay Da Saacadan Oo Kale !!

0
Saturday May 30, 2020 - 09:07:24 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1220
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soo Galistii SNM Ee Hargeisa 31-May-1988 Iyo Xasuustay Da Saacadan Oo Kale !!

    W/Q: Muxamed Dhimbiil

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Muxamed Dhimbiil

Habeenkii 31 May 1988 ayaa ciidamadii SNM soo galeen caasimada Jamhuuriyada Somaliland ee Hargeisa , waxa uu ahaa habeen uu da'ay roob , xabada iyo madfaca ayaa hadh beelay oo hawada caseeyey , guriga aanu deganayn waxa uu u dhexeeyey taliskii qaybta 26naad iyo Xerada Birjeex , guryaha macalimiinta ee dugsigii 1st July ka hooseeya ( University of Hargeisa).

 

Waxa gurigayaga soo buux dhaafiyey dumar iyo caruur hayb ahaan noo soo magan gallay maadaama aaga aanu deganayn uu ahaa xarumo dawladeed oo cidwaliba deganayd isla markaana guryo ciidan ku badan yihiin , marka aan soo waynaaday ayaan dib u fahmay dadkaasi in ay ahaayeen caruurihii iyo xaasaskii ciidamadii iyo shaqaalihii dawlada Somalia , habeenkii soo jeed ayey noo ahayd maadaama gurigayagu dad ceeryoomay xabada iyo madaafiicda dhacayana laga werwerayay tolow goormuu idin qabsan !

 

Waxa aan xasuustaa mar aanu daarada guriga u yar baxnay oo aan cirka eegay hawada magaalada waxa hub caseeyey ee is dhaafaya maad malaynayn , waxa xiligaa maskaxdaydu suureyn la'ayd ama aanan fahmi karayn sababta dadka gurigayaga habeenkaa kuwada sugnaa ee isugu yimid badhna u faraxsanaayeen badhna ay u werwerayeen , maadaama aan yaraa oo is diidooyin gadaal isaga kay fasiray ay noqdeen.

 

Hadaladii iyo xasuusihii aan maskaxdayda habeenkaa ka bixin waxaa ka mid ahaa markii dayaanka madfaca iyo gariirku hadh beelay ayuu Aabo anaga iyo dadkii kale ee nagu soo qaxay nagu yidhi qayb waliba koone ha isku beegto 4 ta koone ee qolka Waa intaasi oo uu gurigu dumaaye , waxa aan si dhab ah u arkay markii aanu dalka ku soo noqonay in guryaha aan anglesku dumin , oo hadalkii habeenkaasi ee Aabo ayaan xasuustay.

 

Haddaba subax hore markii waagu soo dhawaaday ayey xabadii iyo madaafiicdii yar kala joogsatay dabadeedna waxa naga dareeray dadkii guryaha jaararka iyo qaar kaamboolka aanu deganayn ka baxsan oo guryahoogii ku noqday , dadkii ayaan ka daba baxay markii aan cabaar albaabka kaamboolkii aanu deganayn kaligay taagnaa ayaan arkay nin raamo leh oo go cad oo yar casaaday dhexda ku jeeni qaaran wiil dhalinyaro markaa aan ku qiyaasay ilaa 17 jir na gacanta haysta .

 

Maadaama ilaa habeenkii aanan fahansanayn labada jawi ee dadku ku kala jireen cidna lamaan wadaagin ee gadaal iyo maalmo dambe oo xaaladuhu sii adkaadeen oo xataa ka bixistii Hargeisa adkaatay iyo sheekadii dadka waaweyn ee xanshaashaqa oohinta iyo dareenka wadatay marka madaafiicda lagu garaacayo daantaa kale oo toos bartaa uga muuqanaysa marba guri qiiqaya oo ay hooyooyinku hoos hoos u ilmaynayaan ayaan dareemay in dhiilo iyo colaadi jirto cidii aan arkayna ay ahayd farxadii iyo qamuunyeysigii habeenkii la dareemayey.

 

Maalmo ka dib ayaanu Hargeisa dirqi iyo tu xun kaga baxnay , waxa aan u malaynayaa ilaa 8 maalmood ka dib oo aanu tagnay bustaankii awowgay ee Arabsiyo halkaasi oo dadka intii joogtay ku maqnaayeen baadi doonkayagii geeri iyo nolol bal xaga aanu ku dambaynay ... Intaa waxii ka dambeeyey ilaa Ethiopia ayaanu u sii soconay iyada o marba deegaan iyo marxalado kala duwan aanu galaynay.

 

Dharaaro xasuustood !

W/Q: Muxamed Dhimbiil


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...