Dadka leh riyooyinka dhabta ah, ma aha kuwo quusta.

0
Saturday May 30, 2020 - 09:04:57 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1021
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dadka leh riyooyinka dhabta ah, ma aha kuwo quusta.

    Riyadaada raac, iskana illoow waxa dadka kale ku dhihi karayaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Riyadaada raac, iskana illoow waxa dadka kale ku dhihi karayaan





Haddii waxa aad doonin in aad gaartid uu yahay wax sax ah, aana aad rumaysantahay, ku dhaqaaq oo samee.

Riyadaada raac, iskana illoow waxa dadka kale ku dhihi karayaan markii aad guuldarrooyin yaryar ah aad la kulmaysid, waxa aysan ogayn in guuldarro kasta beerto mir guul lagu gaari karayo.

Henry Ford oo u dhashay dalka Mareykanka ahaana nin aan waxbarasho lahayn, saboolna ahaa ayaa ku riyooday samaynta gaadiid aan faras jiida u baahnayn,kadib waxii uu qalab heli karay ayaa uu ku shaqo galay isaga oo aan sugin fursad iskaga timaadda,haddana dunida dhan ayaa riyadiisii ku raaxaysta gaadiidka ama baabuurta. Waxa uu ahaa qofkii ugu badnaa ee isku dayay kashaqaysiin qalabyo ah , sababta oo ah kama cabsanayn ciddii riyadiisa wax ka sheegta.

Thomas Edison waxa uu ku riyooday layr koronto ku shaqeeya, markaas ayaa uuna ku dhaqaaqay riyadiisii, waloow kumanaan kun oo jeer uu ku guuldarraystay waa uu ku adkaystay riyadiisii illaa uu mid muuqata oo qabsoontay uu ka dhigay.

Dadka leh riyooyinka dhabta ah, ma aha kuwo quusta.

Madaxweyne Abraham Lincoln waxa uu ku riyooday dadka madoow ee Mareykanka oo madax-bannaani hela, ficil ayaa uu ku daray riyadiisii, wax yar ayaana uu u jirsaday in isaga oo nool uu arko riyadiisii oo rumowday.

Labadii wiil ee walaalaha aha ee ilma Wright waxa ay ku riyoodeen qalab hawada dhex duuli karaya dayuuradaha. Hadda cid walba waxa ay arki kartaa in riyadoodu mid qumman ahayd.

Marconi waxa uu ku riyooday qaab loo adeegsan karayo awoodda ku jirta hawada. In uusan riyo qalloocan ku riyoon waxaa caddayn u ah raadiyaha iyo walxaha kale ee farriinta aan xariiriyaha lahayn gudbiya. Intaas waxaa sii dheer in riyadii Marconi in ay adduunka daafahiisa dadka kala jooga ka dhigtay kuwo deris ah oo is-cod maqli karaya.

Riyadaasi waxa ay awood u siisay madaxwaynaha Maraykanka in uu halmar la hadli karayo dadka Mareykanka oo dhan. Balse intaas waxaa ka daran in Marconi saaxiibadiis ay xirxireen oo waliba geeyeen xarunta dhimirka baaritaanna lagu sameeyey markii uu u sheegay in uu ogaaday hab farriin hawada loogu diri karayo iyada oo aan la adeegsan fiilooyin iyo xargo kale midkoodna.

Waxa ugu wayn ee adduunkaan qabsoomay oo dhan, waxaa jirtay xilli fikrad kali ah ay wada ahaayeen.

Toosa, kor u kaca oo awooddiina la soo baxa riyoodayaaloow. Xiddigiinnii ayaa hadda soo baxay.



Buuga:Think And Grow Rich

Qoraaga: Napoleon Hill

Tarjumiddii Dr Jama Sahal

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...