Caafimaadkaaga Iyo Ciida Kala Dooro
Waxaynu ku jirnaa tobankii Dambe Ee Bisha Barakaysan Ee Ramadaan Waxa maalmo yar uun Ka hadheen Eidul fidri hadaba Sanadkani waaka Duwanyahay Sanadii hore Sababtoo ah waxa dunidii ka dhacay Xanuun Umadii kala irdheeyay waaalid iyo walaalba kala xidhay qofkii uu ku dhacaana cidlo iyo ciirsi la'aan iyo wehel la'aan mutaysanayo,
Mararka Qaarkood waxaad is odhanaysa bulshadeena ree Somaliland uma bilawnaba in xanuunkani yahay dilaagii qarniga dhibaatana soo gaadhsiin karo hadaanay ka taxadarin hadaba dadkeeni maxaa isbadal ah oo ay sameeyeen intii xanuunkani soo baxay? Balse Dawladu maxay qabatay.
1. Schooladii, jamacadahii, Madarasadahii iyo dhamaan goobahii waxbarashada Waala xidhay.
2. Jaadkii oo laynaga joojiyay mudo sadex week ah inkasto dib loo fasaxay
3. Masaajidadi tobanki u dambeeyay ee Ramadan ayaa la joojiyay in Salaadaha taraawixda iyo taajudka aan lagu tukan.
4. Dadkii oo Wacyi galin loo sameeyay iyado la isticmaalayo qaabab casri ah Sida mobilada, televisionada iyo isgaadhsiimo kale.
Waxyaabaha la ilduufay ama ilaa hada aan cid qaban Dawlad iyo shicibtoona la iskana dhayalsaday dhibaato aad u wayna keeni kara iyo xanuunkii Covid2019 oo si wayn u faafa.
1. Suuqyadii Magaalooyinka oo sidoodi u shaqaynaya iyo dadkii oo dharkii ciida kaso doontay iyagoo buux dhaafiyay goobkasta ilaa dadka ay waayaan meel ay kala maraan si dhib yarna ukala qaadi kara viruska khatarta badan ee Corona Virus 2019 .
2. Dhamaan maqaaxiyahii fadhi ku dirirka iyo goobahii kale ee la iskugu iman jiray oo sidoodii u shaqaynaya.
3. Jaadkii oo la fasaxay kaas oo ah gudbiyaha ugu wayn ee si dhibyar dadbadan ku gaadhsiin kara Viruska
4. Sharcigii Basaska iyo baabuurta laguso rogay oo aan shaqayn ka dib markii uu waayay cid daba gasha kuwas oo dadkii aad iskugu dhadhawayiin
5. Shaqaalahii caafimaadka ee Hospitalada magaaloyinka oo Aan ilaa imika la siin Personal protective equipment Kuwaas oo laga yaabo intay qaadaan inay dadbadan oo kale si dhibyar ugusi gudbiyaan iyagoon is ogayn.
6. Goobaha Hoteelada laga cunteeyo oo Aan shaqaalaha ka shaqeeya iyo nadaafadooda la hubin taas oo sababi karta in si dhib yar ku faafo.
Bulshada ree Somaliland maxaa la gudboon?
Waxaa la gudboon inay ka taxadaraan xanuunka dunidii aafeeyay ee rixin goyska ah iskana jiraan inay iskugu yimaadaan goobaha la iskugu yimaado, Xidhaan mask, faraxalka joogteeyaan, caruurta iyo dadka aan shaqo tagayn lagu ilaaliyo in aanay guryaha ka bixin.
Gudiga Ka hortaga Covid2019 Iyagana maxaa la gudboon?
Gudiga waxa la gudboon inay dhamaan gayiga somaliland ka fuliyan amarada kaso baxa gudida sido kale ay waxka qabtaan lixda qodob ee aan xaga Sare kuso sheegnay ha ugu horeeyaan suuqyada buux dhaafay ee cidhiidhiga ah dadkuna waxka iibsanayaan iyagoo si dhib yar iskugu gudbin kara isla markaasna usii gudbinaya dadka waayeelka iyo caruurtii ay guryaha kaga yimaadeen.
SOO JEEDIN KU SOCOTA GUDIDA (COVID-2019 COMMITTEE)
MAALMAHA CIIDAHA WAXA HABOON IN LA JOOJIYO AMA LA XIDHO MEELKASTA OO LA ISKUGU IMAN JIRAY SIDA GOOBAHA CARUURTA LAGU CIYAARSIIYO IYO GOOBAHA SALAADA CIIDA LAGU TUKAN JIRAY.
By: MohamedNasri Ahmed Omar
Email: [email protected]
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!