Taxanaha Socdaal iyo Jidbixiye (10)

0
Monday May 18, 2020 - 09:54:04 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1071
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taxanaha Socdaal iyo Jidbixiye (10)

    W/Q: Maxamed Baashe Xaaji Xassn

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Maxamed Baashe Xaaji Xassn

Socdaal Sahamiye oo weriye Soomaaliyeed ahi waxa uu sii ambaqaadayaa waraysigii uu la yeelanayey Jidbixiye Laangooye oo ka mid ah mas'uuliyiinta dhaqdhaqaaqa MKM oo ah urur cusub oo dhowaan lagu dhawaaqay. Tani na waa qaybtii 10aad ee waraysigaas taxanaha ah:


Socdaal: Soonqaad suubban.


Jidbixiye: Soonqaad wanaagsan.


Socdaal: Maxay Somaliland ku waydey gooni isu taagga?
Jidbixiye: Qaybtii 9aad waxa aynu ku qaadannay wixii Somaliland ka faa'iiddey gooni isu taagga.

Anigu waxa aan aaminsanahay in Somaliland inta ay heshay gooni isu taagga in ka badan ay ku waydey.


Socdaal: Maxaa ka mid ah?
Jidbixiye: Waxa ka mid ah go'doonka siyaasadeed. Waxa aynu galnay kontaynar yar oo inaga xannibey in aynu hore u kuurkuursanno.


Gooni isu taagga waxa aynu ku wayney in aynu noqonno dal iyo bulsho dunida ka mid ah oo quruumaha la ayniga ah iyo asaaggood la macaamili kara.


Gooni isu taagga waxa aynu ku wayney in aan helno maalgashi shisheeye ama in mid sokeeye inagu soo dhiirrado.


Maalgashi laga ma maarno oo waxa ku xidhan kobocii dhaqaale, shaqo abuurkii iyo horumarintii kaabayaasha dhaqaale ee aynaan kelideen baahidooda gufayn karayn sida waddoiyinka, buundooyinka, cusbitaallada, dugsiyada waxbarashada, biyaha.


Gooni isu taaggu waxa uu inaga la maqan yahay horumarinta shuruucdeenna iyo hay'adaha dawkadeed sida bangi dhexe oo dunida la macaamili karo iyo hay'ado maaliyadeed oo kuwa dunida la macaamili kara sida dayn la amaahdo iyo lacag xuduudaha ka gudbi kara oo la aqoonsan yahay qiime kasta ha goysee.


Gooni isu taagga waxa kale oo aynu ku wayney han iyo hirasho. Waxa aynu ahayn laandheere markii hore, hsdda se waxa aynu nahay laangaab.


Socdaal: Maxaad uga jeeddaa waxa aynu ahayn laandheere, haddana waxa aynu noqonay laangaab?
Jidbixiye: Ummadaha iyo waddamada adduunka waxa kala quweeya oo kala horumariya tirada dadka, bedka iyo baaxadda dhulka, khayraadka dabiiciga sida xoolaha, beeraha, kalluunka, macdanta, shidaalka, aqoonta iyo kala dambaynta (dawlad wanaagga) iwm.


Tan u dambaysa ee dawlad wanaagga marka laga tago, waxa aynu goonisu taagga ku wayney isirrada kale oo dhan.


Waxa aynu wax ku lahsyn dhul bedkiisu ka badan yahay 638 kun oo km2 ah, waxa aynu yeelannay 176 kun oo km2.


Waxa aynu wax ku lahayn bad dhererkeedu yahay in ka badan 3300km oo Gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya dhereran. Waxa aynu yeelannay bad dhererkeedu ka yar yahay 800km oo Badda Cadmeed oo qudha ah.


Waxa aynu laandheere ku ahayn dal tirada dadkiisu ku badan tahay 15 milyan oo qof, waxa aynu laangaab ku noqonnay tiro dad oo ka yar 3.5 milyan oo qof.


Waxa aynu wax ku lahayn dhul beereed hodan ah  oo dihin oo leh laba webi oo barwaaqo sooran ah. Waxa aynu ku soo dhacnay webi la'aan.


"Even the weak become strong when they are united".
Xitaa kuwa jilicsani waxa ay yeeshaan xoog marka ay midoobaan.


La soomooy
Ha la soomooy
Soddonka Ramadaan
Ha la soomooy.


La soco 11aad


Maxamed Baashe Xaaji Xassn
[email protected]



AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...