War Deg Deg Ah:- Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Ganacsade Axmed Cismaan Geelle Oo Kulmay Iyo Qodobo Ay Ku Heshiiyeen.

0
Wednesday April 10, 2019 - 00:24:41 in News by
  • Visits: 20318
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah:- Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Ganacsade Axmed Cismaan Geelle Oo Kulmay Iyo Qodobo Ay Ku Heshiiyeen.

    War Deg Deg Ah:- Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Ganacsade Axmed Cismaan Geelle Oo Kulmay Iyo Qodobo Ay Ku Heshiiyeen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War Deg Deg Ah:- Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Ganacsade Axmed Cismaan Geelle Oo Kulmay Iyo Qodobo Ay Ku Heshiiyeen.

Hargeysa(HWN):-Ganacsatada somaliland ayaa ku guulaystay inay kulan isku hor fadhiisiyaan madaxweynaha somaliland iyo ganacsade Axmed Cismaan Geelle oo maalmihii ugu dambeeyey khilaaf soo kala dhexgalay.

Image result for geelle iyo muuse biixi


Kulankan oo ganacsatadu suura galisay ayaa lagu dhagaystay dooda madaxweyne Muuse Biixi iyo ganacsade Axmed Cismaan Geelle iyada oo laysla gartay laba qodobo oo muhiim ah.


Madaxweyne Muuse Biixi iyo ganacsade Axmed Cismaan Geelle ayaa isla gartay inay dajiyaan xaaladii ka dhalatay dacwadii ay Djibouti u soo waariday somaliland ee la doonayey in maxkamadaha dalka laga furo.


Sidoo kale madaxweynaha iyo ganacsadaha ayaa isla gartay in la joojiyo dacwadii ka dhanka ahayd ganacsade Axmed Geelle ee xukuumadu doonaysay inay ka furto maxkamadaha somaliland, taas oo guud ahaanba laysla gartay in meesha laga saaro.

Sidoo kulankan ayaa layskula gartay in guddida ganacsatada ahi ay sii wadaan kulamada dhex dhexaadinta ah ee ay ku jireen, iyada oo la filayo in maalmaha soo socdana ay kulansiiyaan madax dhaqameedka beelaha Arab iyo madaxweynaha somaliland Md Muuse Biixi oo ku kala fogaaday arintii ganacsade Axmed Cismaan Geelle.


Sidoo kale wararka ayaa xaqiijiyey in madaxweyne Muuse Biixi iyo ganacsade Axmed Cismaan Geelle ay isla garteen qodobo kale oo la xidhiidha khilaafka u dhaxeeya dawlada Djibouti iyo ganacsadahaasi.


Ganacsatada somaliland ayaa dedaalo ay wadeen maalmihii ugu dambeeyey ku guulaystay inay dajiyaan khilaafkii u dhaxeeyey madaxweynaha iyo ganacsade Axmed Cismaan Geelle.


Wixii Warar Ah Ee Ka Soo Kordha Kala Soco Hadhwanaagnews.com


Cabdirisaaq Good Nuur

Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland

Email:-[email protected]

Loading...
Loading...