Baadi Nimaan Lahayn Bay Agjoogtaa Abwaan Soomaaliyeed Baa Wuxuu Dhehay
18 may waxay ahayd maalin ka mid ah maalmaha ugu adag uguna qadhaadh ee soomaray soomalind ka dib markii ay isa soo horfadhiisteen Qorbà joog barafka yurub , mukayf yada carabta ku Raaxaysnaysay , saraakiil siyaasadeed oo koonfurta soomaliya Qunbaa ,Babayga iyo isbaandhayska ku caabaayey iyo Jabhad duruufaha dushooda ka muuqda, dhaawaca maskaxeed iyo jidheed , Raamaha iyo Aradka guud kooda ka muuqdo aan la qiyaasikarin .oo mudo 10 sano wareegaysay baadiyaa xadeed ka u dhaxeeya ITOOBIYA iyo SOMALIA.ku waas oo la derisay Nolosha ugu adag ee Binu Aadam aduun ku Noolaado.
waxay ku Nolaayeen ,Nolol uu cirku Hu ' uhaa dhulkuna gogol u ahaa Quudkuna Xayawaan iyo xasharaad Hadba waxay helaan maalinkaas ahaa, iyagoo sidaas ah bayhadana la kulmayeen dhimasho, dhaawac, dhuumasho iyo weeraro aan kala go lahayn.sabata ku keliftay in ay duruuftaa ku Noolaadaan oo guryahoodii iyo Noloshii wanagsanayd ee ku noolayeen ugatageen waxay ahayd in Geyiga Somaliyeed laga kiciyo Dawladii Rajiimka ahayd ee dhibta badan gaysatay.kadib 10 sano iyo dhib badan dabadeed markay gaadheen ujeedkii ay lahaayeen , waxaa burco lagu qabtay shir ay ku kulmayeen dhaman bulsha weynta ka soo jeeda Soomaliland oo ay hogaaminayso Jabhadii SNM.
shirkaas waxaa isa soo hordhiistay oo qadiyada ka wadda doodaayey Rag casiir daacaya iyo Rag dhaawacii weli qoyan yahay oo dhiigii weli Tifleeyahay ,iyadoo Hogaanka SNM ay ku doodayeen in aan dalka la kala goyn Qadiyada ay Naftooda u hureen oo ay boqolaal udhinteen kumanaan kalena dhaawac iyo duruuf adag ugu Noolyihiin ay ahayd ahayd , kicinta Rajiimka oo keliyah ee aanay ahay burbur umad soomaliyeed .qolyii kalena ay ku doodayaan in dalka la kala jaro .
SNM waa Jabhada keliyee Aduunka Qorshaheedii laga bedelay markay hadafkeedii gaadheen .sababtu wax kale maaha ee waxay ahaayeen , Dad markii horena qalbi jileec saaray markii danbina qalbi jileec u taanaa sulay ,wey awoodi karayeen in aanay shirna qaban cidna dhegaysan oo Tallada sidoo daa ku qabsadaan laakiin umad jacayl iyo dan ta bulsha ayey saas u sameeyeen ,maanta waa kuwaas inagu hoos dayacan ee mid gaajaysan, Xanuunsanaaya, , Duruufaysaniyo mid dhintay xaal allaale xaal ayku sugan yihiin aan garanay cidna aanay ka war hayn.maanta waxày isku ciilkaambiyaan waqtigoodii dhalinyarada ahaa ee ay bulshadooda u hureen, halkii ay ka sugayen maamuus iyo Taalooyin loo dhiso waxaa loogu abaal celiyey in aan hoos loo eegin iyaga iyo dhashooda toona Tanaasulaad Faro badan SNM samaysay wuxuu dhaliyey guulo badan , oo dawlada somaliland kow katahaydhiiranaan badan oo SNM samaysanay wuxuu dhaliyey Farxado badan . Kicinta rajiimku kaw ka ahaa.
W/Q mohamed Ahmed warsame
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!