Xudaydi Aabbihii Kamanka Soamliland iyo Soomaaliya oo uu Cudurka COVID-19 naga sahayday.

0
Sunday May 17, 2020 - 09:43:11 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1194
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xudaydi Aabbihii Kamanka Soamliland iyo Soomaaliya oo uu Cudurka COVID-19 naga sahayday.

    Eebbe Qabriga ha u nuuro Axmed Ismaaciil Xuddaydi kaasi oo qalbiyadayada kaga tagay xusuus aan go'ayn abidkeed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Eebbe Qabriga ha u nuuro Axmed Ismaaciil Xuddaydi kaasi oo qalbiyadayada kaga tagay xusuus aan go'ayn abidkeed

Maqaalkani waxa uu xus, xusuus iyo baroordiiq ba u yahay alle ha u naxariiste Axmed Ismaaciil Xudaydi oo bishii aynu soo dhaafnay u dhintay xanuunka Covid-19. Axmed Ismaacil oo ku magac dheeraa Xudaydi waxa uu ahaa kaman tumihii ugu caansanaa ee aan lagaga daba dhufan jirin garaacista kamanka taas oo uu kula baxay magaca Aabaha kamanka Soomaliyeed. Cida kaliya ee lagu ladhi karo ayaa ahayd Cumar Dhuule Cali alle ha u naxariisto labadoodaba e`.

 

Mar aan Xudaydi kula kulmay Bandhiga Wiiga Oktoobar ee London waxa aan waydiiyay Adiga iyo Cumar Dhuule kiinee ku fiicnaa xaga garaacista kamanka? Isaga oo aan is lurin waxa uu si fudud iigu jawaabay ": Cumar ayaa igaga horeeyay Kaman garaacista aniguna kaalinta labaad ayaan ahaa. Bal u fiirso sida uu libta u siiyay ee aanuu u ahayn qof xasid ah sida Soomalidu maanta u badan tahay. Kaas ayuu ahaa xudaydi alle godka ha u nuuriyee.

 

Waxa kale oo aan maalinkaa waydiiyay qisada uu ka curiyay heesta caan baxday ee Uur-hooyo ee uu ku luuqeeyay Alle ha u naxariisto e` fanaankii Xuseen Yusuf Tarabi. Waxa uu ii sheegay in ay heestu ku timid qiso dhab ah oo ay wadaageen isaga iyo walaalkii oo markaa Cadan ku sugnaa. Salaantii, fariintii iyo jacaylkii uu walaalkii u dirayay ayuu heesta ka curiyay ka dibna walaalkii ugu diray. Waxa xusid mudan in Dad badan ay Xuseen Yuusuf Tarabi ka daba qaadeen heesta oo uu ka mid ahaa Xudaydi laftiisu. Xudaydi waxa kale oo uu curiyay heesta Riftoon oo caan ah kuna qotontay jacayl dhaba oo soo maray Xudaydi laftiisa. Labadan heesood ee aynu tusaalaha u soo qaadanayba waxa ay ku tusinayaan sida uu Mualif wax curin kara u ahaa oo aan ku koobnayn kabankii uu balada ku qabay oo kaliya.

 

 

Rashiid Maxamed Shabeelle oo ah qoraaga buuga Ma Dhabbaa Jacayl Waa Loo Dhintaa? ee ku sahabsan qisadii Hodan Cabdille Walanwal iyo Cilmi Ismaaciil (Boodhari), ayaa dhawaan iiga sheekeeyay qiso dhab ah oo magaalda Cadan ku dhex martay Xudaydi iyo qoraaga aabihi Maxamed Shabeelle oo ahaa saygii Hodan Cabdille Walanwal calaf alle ugu daray. Waxa uu yidhi Maxamed Shabelle ayaa inta uu soo kexeeyay Xudaydi geeyay Dawaarle cadan ku yaalay kaas oo uu uga tolay Suudhkii ugu horeeyay ee uu xidho Xudaydi  kaas oo noqday xasuus uu Xudaydi mar walba ku xasuusan jiray Maxamed Shabeelle alle ha u xariisto labadoodaba e`. Waxa kale oo xusid mudan inuu xudaydi ahaa nin hu’qaad leh oo dharka gaar ahaan suudh ka si qurux badan ugu soo bixi jiray.

 

 

Marka aad maqasho Xudaydi oo kaban garaacaya waxaad is odhanaysaa Kaman ku waxa uu ku hadaaqayaa erayada heesta ku jira oo malaha kabanka ayaaba heesta qaadaya. Isaga iyo Cumar Dhuule ayuunbaa aqoon intaa le`eg u lahaa garaacista kamanka. Iyada oo ay jireen dad kale oo rag iyo dumar ba leh oo balo ku qabay garaacista kamanka oo soo maray fanka soomaaliyeed. Waxa aan ka soo qaadan karnaa boqorkii codka Maxamed Saleebaan Tuubec iyo Axmed Naaji oo labadoodaba uu macalin u ahaa Cumar Dhuule.

 

Cumar Dhuule iyo Xudaydi waxay ahaayeen foolaadka hore marka ay Kaman garaacista noqoto. Cumar kaalinta koobaad ha ku jiro sidaa uu xudaydi aniga I sheegay ama kaalinka koobaad hawada qateen e` ma jrto meel garaacis Kaman lagu soo hadal qaado oo aan magacyadooda la xusaynin.

 

Caabuqa uu la kowsadey aduunku sanadkan 2020 ayaa sabab u noqday  Aabihii Kamanka alle jannadii fardawsa ha ka waraabiyee. Xudaydi marnaba ka gu`i maayo qulluubta dadka soomaliyeed ee ku kala sugan gudaha dalkii hooyo ee Somaliland, dhulka kale ee Soomalida iyo dhamaan daafaha dunida. Waxa aan leeyahay alle ha kuu naxariisto axmed ismaaciiloow waa laguu qirsan yahay in kaalintii iyo doorkii aad ku lahayd fanka soomaaliyeed iyo waliba in ka badan aad gudatay. Noloshaada intii badnayd ilaa aad ka soo gaadhayay 90 jir na aad ku abtirsanaysay fanka iyo fanaaniinta Soomaliyeed. In badan ayaanu dhagaha u raaricinayay shanqadha kamankaaga iyo dhagaysiga heeso kaydka umadda galay oo looga tagi doono jiilalka dhalan doona hadii alle yidhaa.

 

Aan maqaalkaygan ku soo afmeero erayo ka mid ah heesta Uur Hooyo ee uu sida layaab ka leh u unkay fanaan xudaydi:

 

Labo aabbo wada dhalay

Iyo ubad walaalo ah

Arrinkii yimaadana

Iska kaashanaayo

Sideen kuu ilaabaa

Ma ahaan karaysee.

 

 

Eebbe Qabriga ha u nuuro Axmed Ismaaciil Xuddaydi kaasi oo qalbiyadayada kaga tagay xusuus aan go’ayn abidkeed

 

Aamiin…. Aamiin ….Aamiin.

 

W/Q: Cabdi Muxumed

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...