Axkaamta Ramadaanta W/Q: Sh. Cabdirisaaq Rakuub Qaybtii 22aad

0
Friday May 15, 2020 - 11:41:58 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 698
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Axkaamta Ramadaanta W/Q: Sh. Cabdirisaaq Rakuub Qaybtii 22aad

    Fadliga ducada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fadliga ducada

Duco waa baryo ama tuugis Alle uu baryayo addoonkiisu, cidda kaliya ee la baryi karaa waa Alle SWT, sokadii cidna lama baryi karo. Alle SWT xadiis-qudsi wuxu ku yidhi, "Anigu waxa aan ugu deeqsanahay cidda wax layla wadaajiyo, waan uga tagaa anuu.” Baryadu Alle SWT xaqa u lahaa haddaad cid kale la doonato adiga uun baa wax is yeellay. Ducadu is dhul dhigid aad Alle SWT isku basaasinayso, una muujinayso in aad gargaarkiisa u baahan tahay, la’aantiina aanad waxba helayn.



Cibaadadu waa in aad muujiso in aad tahay addoon baari ah, adiga oo la imanaya wax kasta oo Alle ku faray in aad samayso, kana joogsanaya wixii lagaa reebay in aad fasho. Markaasad tahay addoon dhab ah, oo baryaya Allihii, baryaduna waa cibaado.


Rasuulku CSW wuxu yidhi, "Ducadu waa cibaado.”Mar kasta oo aad Alle SWT barido agtaada ayuu joogaa, wuu ku jawaabi siduu Alle SWT sheegay, "I barya aan idinka aqbalee.”Soomaalidu waxa ay tidhaa, "Baryo badan iyo bukaan badan waa laysku naca,” halka Alle SWT uu ka leeyahay "I baryaa aan idinka aqbalee.” Alle SWT mar kasta oo aad gacmaha hoos dhigato wuu kugu farxayaa waxaad wayddiisatana wuu ku samaynnayaa.


Mar haddii aynnu nidhi baryadu waa cibaado bal ka warran kuwa iskala deeqtoonaada inay Alle baryaan amase aan danayn in ay Allahood baryaan. Alle SWT wuxu yidhi, "Kuwa iska waynneeya baryadayda, waxay galayaan jahannama iyagoo dullaysan.”


Qofka ka maaga in uu Alle SWT baryaa in uu yahay qof quustay. Alle SWT wuxuu ina leeyahay, "Addoomahayga u sheeg, oo ku dheh haka quusanina naxariista Alle,” taas oo muujinaysa damiir iyo iimaan xumo. Qofka ka quusanayaa ma wuxuu moodayaa in uu Alle ka dheer yahay, "Haddii ay ii kaa wayddiiyaan addoomahaygu u sheeg in aan u dhawahay, ka i baryayaa marka uu i baryayo, hay addeecaan oo hay rumeeyaan si ay u hanuunaan.”Alle SWT ayaa sidaa leh, adna waad iska quusanaysaa micno daro, subxanallah.

 

Bogga Facebook: Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

 

Caddaloolka Faysbuugga: Hoyga Sheekh Cabdirisaaq Xasan Rakuub

 

Email: [email protected]

 

Tell: 063 440 85 03. 97 08 515

 

SheekhRakuub.wordpress.com

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...