Xukuumada Oo Shuruud La,aan Ku Soo Celisay Gaadhigii Gudoomiye Ciro Iyo Dood Ay Ka Qabto Dirayskii Saarnaa
Hargeysa(HWN):-Xukuumada somaliland ayaa shuruud la,aan dib u celisay gaadhi uu leeyahay gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro.
Afhayeen u hadlay ciidamada qaranka somaliland oo ilaa maalintii khamiistii laamaha amaanka gacanta kula hayey gaadhiga gudoomiye Ciro ayaa ka jawaabay eedaymo uga yimid xisbiga Waddani.
Gaadhiga gudoomiye Ciro ayey xukuumadu gacanta ku dhigtay ka dib markii la sheegay inuu siday dirays loogu tala galay ciidamada ilaalada u ah gudoomiyaha Waddani kuwaas oo laga soo qaaday magaalada Saylac ee xarunta gobolka Selel.
Dirayskan ayaa la sheegay in ilaalada gudoomiye ciro uu u soo diray muwaadin qurba joog ah, balse afhayeenka ciidamada qaranka ayaa ku dooday in ciidankaas ilaalada ah u hogaanka Waddani ay dirayska ka heli karaan oo kaliya talisyada ay ka tirsan yihiin sida talisyada milatariga iyo booliska waxaanu meesha ka saaray in xisbigu uu ilaaladiisa siin karo dirays.
Xukuumada ayaana haatan dib u soo celisay gaadhiga gudoomiye Ciro oo ay kala hadheen dirayskii saarnaa ee loogu tala galay ilaalada gudoomiyaha, iyaga oo ka jawaabay digniintii uu xisbiga Waddani soo saaray ee uu ku dalbaday in 24 saacadood gudahood lagu soo celiyo gaadhiga gudoomiye Cirro.
Lama oga sababta ay xukuumadu xasaasiga uga dhigtay dirayskan loogu tala galay ilaalada gudoomiyaha xisbiga Waddani oo ay markii hore ogolaansho siisay, iyada taliska ciidanka qaranka iyo wasaarada maaliyadaba ay ka soo baxeen ogolaansho dirayskaas loo siiyey xisbiga Waddani.