Dagaalka Ilhaan Cumar Iyo Donald Trump Oo Markale Dib U Qarxay

0
Tuesday April 09, 2019 - 08:20:03 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 3247
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaalka Ilhaan Cumar Iyo Donald Trump Oo Markale Dib U Qarxay

    Madaxweyne Trump ayaa xalay saqdii dhexe boggiisa Tweetarka ku qoray 'hadal jeejees ah' oo uu ula jeedo Ilhaan Cumar.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Trump ayaa xalay saqdii dhexe boggiisa Tweetarka ku qoray 'hadal jeejees ah' oo uu ula jeedo Ilhaan Cumar. Warbixintan oo aan ka soo xigannay wargeyska Daily Mail ayaa sheegeysa inuu Madaxweyne Donald Trump oo Sabtidii ka hadlay kulan ay lahaayeen Kooxda Hoggaamisa siyaasadda Yuhuudda ee ku dhaqan Mareykanka ayaa Ilhaan Cumar u mahadceliyey isaga oo ku jeesjeesaya.



Inta uusan khudbaddiisa billaabin ka hor ayuu yiri 'Oh waan ilaaway illeen Ilhaan Cumar Israa'iil ma jecleyn, waan ka xumahay. Maya Israa'iil iyadu ma jecla, miyey jeceshahay? Fadlan waan ka raalli gelinayaa.


Wuxuu sidoo kale Xisbiga Dimuqraadiga ku eedeeyey inuu oggolaado in Yuhuud Neceybka ay xisbigooda ku xidideysato.

Ilhaan Cumar oo farriinta uu Trump boggiisa Tweetarka ku qoray ka jawaabeysa ayaa qortay hal jumlad, iyada oo weliba carabi ku sii micneysay.

Waxayna tiri "Allahayoow, dadkeyga u dambi dhaaf aqoon la'aantooda.


Bishii Fabraayo Ilhaan Cumar, oo ah gabadh muslimad ah oo Minnesota laga soo doorto waxaa lagu eedeeyey 'in Hadallo Yuhuud Neceyb ah ay ku dhawaaqday', iyada oo hadalladeeda ula jeedday iney cadaadis ku saarto siyaasadda Arrimaha Dibadda Mareykanka ee ku aaddanTaageeridda Israa'iil.

Jimcihii waxaa magaalada New York lagu qabtay oo dacwad lagu soo oogay nin isku dayay inuu dilo ama waxyeello u geysto Ilhaan Cumar.


Wasaaradda Caddaaladda Mareykanka waxay sheegtay ninkaasi oo lagu magacaabo Patrick Carlineo oo 55 jir ah oo ka soo jeeda New York inuu wajihi doono ilaa iyo toban sano oo xarig ah iyo Ganaax lacageed oo dhan $250,000 oo doolar.


Sida uu sheegay dambi baaraha kiiska gacanta ku haya, Carlineo wuxuu 21-kii bishii maarso la soo hadlay mid ka mid ah xirfadlayaasha la shaqeeya Ilhaan Cumar uuna ku yidhi: 'Ma waxaad u shaqeeysaa Ikhwaanul Muslimiin? Maxaad Ilhaan ula shaqeeyneysaa, Ilhaan waa argagixiso xabbad ayaan madaxa kaga dhufanayaa.'


Khudbadda madaxweyne Trump uu Sabtidii jeediyey wuxuu ku sheegay inuu xisbiga Dimuqraadiga ku taamayo guusha doorashada 2020-ka, iney Israa'iiliiyintu ka baxaan, iyada oo hadalka Trump loo fasirtay inuu Doorashada xilligaasi dhaceysa uu taageero uga helo Yahuudda, maadaamaa mar labaad uu madaxweynanimo isu soo taagayo.

Madaxweyne Trump wuxuu horay u qaaday tillaabbooyin ay ka mid yihiin in Safaaradda Mareykanka uu Quddus u soo wareejiyey iyo aqoonsashada uu bishii hore u aqoonsaday iney Isra'iil leedahay Buuraha Golan ee ay ku qabsatay dagaalki 1967-kii.


'Waxaad hesheen waxa aad dooneyseen,' ayuu yiri Trump xilligi uu furayey Safaaraddiisa Quddus, wuxuuna intaa ku daray 'si ka duwan Madaxweynayaasha Mareykanka inuu ballanta uu qaaday uu oofiyey.'

Sida ay tilmaameyso warbixin ay soo saartay xaruunta cilmi baarista ee Pew, dhawr iyo tobanki sano oo ugu dambeeyey waxay Yuhuudda door muhiim ah ku lahayd doorashooyinka Mareykanka ka dhacayey.


BBC.

Loading...
Loading...